Saturday, March 14, 2026

MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay Shirka IGAD ee looga hadlay Colaada Koofurta Sudan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ka qeyb galay shirweynaha 43-aad ee aan caadiga aheyn ee madaxda IGAD, kaasi oo looga hadlayay xaalada Koofurta Suudan.

Sidoo kale waxaa shirka diirada lagu saaray arrimaha amniga, xasiloonida siyaasadeed iyo dhaqan gelinta heshiiskii Nabada ee dib loo soo celiyay.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in IGAD ay ka go’antahay horumarinta wadahadalka, xiisadaha dejinta, iyo xaqiijinta nabad waarta dadka Koofurta Suudaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si adag uga hadlay colaadda dalka Koonfur Suudaan isaga oo  dhinacayda halkaas isku haya ugu baaqay in ay ku soo laabtaan miiska wada hadalka.

“Soomaaliya waxay si buuxda ula garab taagan tahay shacabka Koonfurta Suudaan, waxayna wali ka go’an tahay inay taageerto dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro xal nabadeed oo waara.” Ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh

Hoggaamiyeyaasha Ururka goboleedka IGAD ayaa qoraal ay ka soo saareen shirkooda ayaa waxaa ay ku yiraahdeen”Waxa uu walaac xooggan ka muujiyay xaaladda ammaan ee Koonfurta Suudaan oo sii xumaanaysa, oo ay ku astaysan yihiin rabshado soo noqnoqday, ku xad-gudbida ballanqaadyadii xabbad-joojinta, iyo korodhka muuqda ee dhacdooyinka rabshadaha;

Waxa uu si adag ugu baaqay Dhinacyada in ay si deg deg ah u dejiyaan xiisada, una hoggaansamaan oo ay ixtiraamaan Xabbad-joojinta Joogtada ah, mudnaantana siiyaan, lana dedejiyo hirgelinta Qabanqaabada Ammaanka ee Ku-meel-gaadhka ah iyadoo la siinayo agabka loo baahan yahay wakhtiga ku habboon.

Jubba ayaa  waxaa weli ka aloosan xiisad u dhexaysa ciidamada dowladda iyo garab kale oo ka soo hor horjeeda, madaxweynaha dalkaas Silver Kir ayaa dhowr jeer ka badbaaday afgembi lala damacsanaa dowladiisa.

Waxaa hadda socda Dadaaladii ugu dambeeyay oo lagu doonayo in lagu baadi goobo heshiis nabadeed, kaasi oo ay wadaan wadamada ku mideysan Urur goboleedka IGAD iyo Midowga Afrika.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Turkey oo 4 markab dagaal u soo diraysa xeebaha Somalia

Dowladda Turkey ayaa ku dhawaaqday inay afar markab oo...

Buundada Sabiid iyo Caanoole oo maanta duntay

Buundada ku taalla deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka...

DFS oo ka digtay saldhig militari oo Israa’iil ka dhisan karto Berbera

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka digtay in dhulka dalka...

Trump oo ka hadlay xaalada hoggaamiyaha cusub ee Iran

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in hoggaamiyaha cusub...

Jaamacada Carabta oo soo dhaweysay Ansixinta Dastuurka

Axmed Aboul Gheit, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles