Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki.
Labada Madaxweyne ayaa kulankooda kaga wada hadlay xaaladaha iyo isbeddellada ka socda gobolka, iyagoo si gaar ah u adkeeyay muhiimadda ay leedahay horumarinta nabadda, xasilloonida iyo iskaashiga dalalka gobolka.
Kulanka ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya, Eritrea, Masar iyo Suudaan ay magaalada New Alamein ee dalka Masar ku yeesheen shir wadatashi ah oo looga hadlay arrimaha gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas.
Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale muujiyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabad iyo xasillooni waarta oo ka dhalata gobolka.


