Monday, March 2, 2026

MW Xasan Sheekh oo la filayo inuu tago Sacuudiga iyo Villa Somalia oo hoos u dhigtay xiriirka Imaaraadka

Waxaa saaka gabi ahaanba istaagtay shaqadii dekedda magaalada Boosaaso, kaddib markii shaqada laga joojiyay shaqaalaha muruq-maalka (xoog-xaraashka) ee ka howlgala dekedda, taas oo ay maamusho shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta.

Shaqaalaha muruq-maalka ayaa sheegay in DP World iyo maamulka dekedda ay si buuxda u diideen in ay gudaha u soo galaan dekedda, taas oo keentay in shaqadii dekeddu istaagto saaka, isla markaana ay xirmato gebi ahaanba. Shaqaalahan ayaa ahaa kuwo nolol-maalmeedkooda ka raadsan jiray dekedda, kuna tiirsanaa shaqada maalinlaha ah.

Shaqaalaha ayaa sidoo kale ka cabanaya amar cusub oo ay DP World saaka soo rogtay, kaas oo faraya dhammaan shaqaalaha dekedda in ay soo iibsadaan dhar shaqo oo gaar ah oo laga doonayo in lagu shaqeeyo wixii hadda ka dambeeya, iyadoo qiimaha dharkaasi ay yihiin kuwa qaali ah.

Arrintan ayaa si weyn u saameysay shaqaalaha muruq-maalka, kuwaas oo sheegay in aysan awoodin bixinta lacagtaas, maadaama ay yihiin shaqaale maalin-joog ah. Waxay sidoo kale xuseen in aysan xiran karin koofiyadaha iyo qalabka kale ee la farayo, maadaama ay yihiin xamaali alaabta madaxa ku qaada, isla markaana cimilada kulul ee Boosaaso aysan u sahlayn isticmaalka dhar iyo qalab culus.

Qaar kamid ah shaqaalaha dekedda ayaa saaka la hadlay warbaahinta, iyagoo si adag u cambaareeyay tallaabada lagu joojiyay shaqadooda, waxayna ka digeen in arrintan ay keeni karto kacdoon shaqaale, qalalaase iyo dhibaato nololeed haddii aan xal degdeg ah laga gaarin.

Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay DP World ama maamulka dekedda Boosaaso, balse xaaladda dekedda ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo la filayo in saacadaha ama maalmaha soo socda ay arrintan ka dhalan karaan tallaabooyin kale oo ay qaadaan shaqaalaha shaqada laga joojiyay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Jubbaland iyo Puntland oo u yeertay xildhibaanada ku matala BFS

Madaxweynayaasha Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa wadatashi ugu yeertay...

Magacyada Saraakiishii ugu sareysay Iran ee la dilay

Tiro ka mid ah mas’uuliyiinta sarsare ee Iiraan ayaa...

Taliyaha ciidamada xoogga oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay Talyaaniga

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...

Ciidamada Amniga oo qabtay nin miino ku aasi rabay Marka

Ciidamada ammaanka ee Degmada Marka ayaa gacanta ku dhigay...

Hoggaamiyihii Iran oo duqeyn lagu dilay

Ayatollah Ali Khamenei, Hoggaamiyihii Sare ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles