Netanyahu oo sheegay in la dilay hoggaamiyihii Xamaas ee Gaza Mohammed Sinwar

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in milatarigoodu ay “ka takhaluseen” hoggaamiyihii Xamaas ee Gaza Mohammed Sinwar, oo ka mid ahaa ragga sida weyn loo doondoonayo, isla markaana ay walaalo yihiin hoggaamiyihii geeriyooday ee kooxdaas Yahya Sinwar.

Mohammed Sinwar ayaa ahaa bartilmaameedka weerar ballaaran oo Israa’iil ay ka geysatay barxadda iyo agagaarka isbitaalka Yurub ee ku yaalla koonfurta magaalada Khan Younis 13-kii Maajo, kaas oo ay milatariga Israa’iil sheegeen in ay burburiyeen “kaabayaasha dhulka hoostiisa” ee Xamaas ee halkaas.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza oo ay maamusho Xamaas ayaa sheegtay xilligaas in 28 qof ay ku dhinteen. Xamaas lafteedu ma ay xaqiijin mana beenin geerida Sinwar.

Yahya Sinwar, oo ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkii 7-dii Oktoobar 2023 lagu qaaday Israa’iil, waxaa dilay ciidammada Israa’iil bishii Oktoobar ee la soo dhaafay.

Israa’iil ayaa Qaza ka billowday olole milateri oo ay kaga jawaabayso weerar ay Xamaas ku qaadday xuduudda 600 maalmood ka hor, kaasoo lagu dilay illaa 1,200 oo qof, 251 kalena lagu qafaashay.

Ugu yaraan 54,084 qof ayaa lagu dilay Gaza tan iyo markaas, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dhulkaas.

WARARKII KALE

Maxay ka wadahadleen labada guddoon ee BFS?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa Itoobiya oo si nabad ah ku gaaray Ceel-Barde

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta...

Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

Wareegtada ayaa lagu xusay in sharciga Nabadgelyada Guud ee...

RW Xamsa oo gaaray Jeddah iyo Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa...

Dagaalka Mooyaale oo maalintii afraad galay

Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka...

 Deni oo maanta hortagaya Baarlamaanka Puntland iyo go’aanno siyaasadeed oo laga sugayo

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta la filayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles