Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan.
Howlgalkaas ayaa lagu beegsaday guri ay ku shirayeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta, kuwaas oo ku hawlanaa abaabulka falal wax u dhimaya amniga shacabka deegaanka.
Sida ay sheegtay NISA, howlgalkaasi ayaa waxaa lagu dilay siddeed xubnood oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab.
Taliska NISA ma soo bandhigin magacyada iyo sawirada maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab.
Taliska NISA ayaa kordhiyay howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab uu ka fulinaya meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan kooxda.


