Guddoomiyaha Golaha shacabka ee BFS oo maanta gaaray Magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi isugu jira wasiiro iyo xildhibaano oo uu hogaaminayo ayaa goordhow soo gaaray Magaaladda Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka waxaa Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaaladda Baydhabo kusoo dhoweeyay Kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, odayaasha dhaqanka ee Magaaladda Baydhabo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ka dib shir jaraa’id oo ay si wadajir ah ugu qabteen xarunta Madaxtooyadda ee Magaaladda Baydhabo ayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Dr Cali Siciid Fiqi waxa uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdigiisa ku soo dhoweeyay Magaaladda Baydhabo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa mas’uuliyiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda iyo qeybaha kala duwan bulshada Magaaladda Baydhabo uga mahadceliyay soo dhoweynta diiran ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo maalmaha soo socda ku sugnaan doona Magaaladda Baydhabo ayaa waxa uu kulamo la qaadan doonaa mas’uiyiinta Maamulka Koonfur Galbeed, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles