Friday, January 30, 2026

NISA oo sheegtay in la qabtay rag ka tirsan Al-shabaab oo qaraxyo soo gelin rabay Muqdisho

War ka soo baxay Taliska NISA ayaa lagu sheegay in Ciidanka Hayadda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, oo howlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ay gacanta kusoo dhigeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab, kuwaasi oo la sheegay in ay ku howlanaayeen in ay Muqdisho soo geliyeen qaraxyo.

“Howlgalka oo shalay galab dhacay ayaa lagu qabtay labo dhagar-qabe oo lagu kala magacaabo, Nuur Muxudiin Jabril iyo Maxamed C/raxmaan Maxamuud, kuwaas oo xilliga gacanta lagu dhigay ku howlanaa in ay soo gelinayeen magaalada, 8 miino oo isugu jiray; 3 nooca soo boodda ah, 5 nooca dhejiska ah, iyo 2 bambo F1.” ayaa lahgu yiri qoraalka.

Sidoo kale, qoraalka ayaa waxaa intaasi lagu daray “howlgal qorsheysan oo ciidanka NISA, ay ka sameeyeen degmada Dharkeynley waxa ay kusoo qabteen dhagar-qabe lagu magacaabo Cali Maxamed Cabdi oo Khawaarijta dhexdeeda looga yaqaanay Macruuf iyo Cali foowdo, kaas oo dhawaan ay Khawaarijtu u soo direen magaalada Muqdisho si uu falal argagixiso uga fuliyo, kaddib marki Sirdoonka Qaranku uu horey ugu guuleystay in uu soo afjaro Shabakadihii Khawaarijta ee qaabilsanaa dilalka iyo qaraxyada.”.

WARARKII KALE

Turkiga oo diyaarado casri ah keenay Muqdisho iyo Qorsho kale

Wargeyska The Middle East Eye ayaa waxaa uu si...

Trump oo u gafay Soomaaliya iyo hanjabaad uu u diray Burcad badeeda

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday in...

Mooshinka laga diyaariyay guddoomiye Aadan Madoobe oo la gudbiyay, maxaa lagu haystaa?

Waxaa si rasmi ah loo gudbiyay mooshin ka dhan...

Soomaaliya oo ka qeyb galaysa Shirka wasiirada dalalka Carabta iyo Hindiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal ku dilay xubno ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Iraan oo dhoolatus ku sameynaysa gacan biyoodka Hormuz

Warbaahinta Press TV, oo ah telefishinka fka Ingiriisiga ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles