Wednesday, March 18, 2026

NISA oo sheegtay in la qabtay rag ka tirsan Al-shabaab oo qaraxyo soo gelin rabay Muqdisho

War ka soo baxay Taliska NISA ayaa lagu sheegay in Ciidanka Hayadda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, oo howlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ay gacanta kusoo dhigeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab, kuwaasi oo la sheegay in ay ku howlanaayeen in ay Muqdisho soo geliyeen qaraxyo.

“Howlgalka oo shalay galab dhacay ayaa lagu qabtay labo dhagar-qabe oo lagu kala magacaabo, Nuur Muxudiin Jabril iyo Maxamed C/raxmaan Maxamuud, kuwaas oo xilliga gacanta lagu dhigay ku howlanaa in ay soo gelinayeen magaalada, 8 miino oo isugu jiray; 3 nooca soo boodda ah, 5 nooca dhejiska ah, iyo 2 bambo F1.” ayaa lahgu yiri qoraalka.

Sidoo kale, qoraalka ayaa waxaa intaasi lagu daray “howlgal qorsheysan oo ciidanka NISA, ay ka sameeyeen degmada Dharkeynley waxa ay kusoo qabteen dhagar-qabe lagu magacaabo Cali Maxamed Cabdi oo Khawaarijta dhexdeeda looga yaqaanay Macruuf iyo Cali foowdo, kaas oo dhawaan ay Khawaarijtu u soo direen magaalada Muqdisho si uu falal argagixiso uga fuliyo, kaddib marki Sirdoonka Qaranku uu horey ugu guuleystay in uu soo afjaro Shabakadihii Khawaarijta ee qaabilsanaa dilalka iyo qaraxyada.”.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Lafta gareen oo tagay Baydhabo xilli uu khilaaf kala dhexeeyo DFS

Sida ay sheegayaan wararka Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan...

Xildhibaanada ka soo horjeeda Lafta gareen oo fariin adag u diray DFS

Xildhibaano ka tirsan BFS ee laga soo doortay deegaanada...

Koofur Galbeed oo xariirka u jartay Dowladda Soomaaliya

Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa goordhaw ku dhawaaqay inuu...

Tahriibayaal ay ku jiraan Soomaali oo laba maalmood ku xayirnaa badda oo la badbaadiyay

Markab samatabbixin ah oo lagu magacaabo Aita Mari, lagana...

Trump oo weerar afka ah ku qaaday Soomaalida

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale hadallo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles