Thursday, February 26, 2026

Odayaal lagu xiray Gedo iyo xiisad ka taagan degmada Garbahaarey

Wararka ka imaanaya  degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay xireen xubno ka tirsan golaha guurtida iyo odayaasha dhaqanka gobolkaasi. Odayaashan la xiray ayaa shalay si cad uga soo horjeestay qorshe ay sheegeen in dowladda Federaalka Soomaaliya ku wado dhismaha maamul cusub oo ka madax bannaan maamulka Jubbaland, gaar ahaan gobolka Gedo.

Odayaasha dhaqanka oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garbahaarey maalintii shalay ayaa si adag u cambaareeyay waxa ay ugu yeereen “faragelin joogto ah” oo dowladda Federaalka ay ku hayso gobolka Gedo. Waxay sheegeen in qorshaha Villa Soomaaliya uu yahay mid lagu wiiqayo maamulka Jubbaland laguna abuuro maamul kale oo taageersan dowladda dhexe, iyagoo ku tilmaamay arrintaas “qorshe halis ku ah midnimada iyo xasilloonida gobolka.”

Wararka laga helayo maamulka gobolka Gedo ayaa xaqiijiyay in odayaashaasi ay xireen ciidamo ay sheegeen in ay ka mar qaataan dowladda Federaalka, inkastoo aysan jirin wax war ah ka  soo baxay dowladda Federaalka oo sharaxaya sababta xarigga. Sida ay sheegeen maamulka Gobolka Gedo Jubbaland, amarka xariga waxaa bixiyay masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda dhexe.

Xaaladda Garbahaarey ayaa haatan noqotay mid kacsan, iyadoo bulshada deegaanka ay dareemayaan cabsi iyo walaac ku saabsan suurtagalnimada iskahorimaadyo ka dhaca degmadaasi.

 

Xarigga odayaasha ayaa kusoo aadaya, xili dowladda Federaalka Soomaaliya ay wado qorshe ay ku dhiseyso maamul cusub oo ka madax bannaan maamulka Jubbaland, kaas oo la rumeysan yahay in laga dhisayo gobolka Gedo. Qorshahan ayaa la sheegay in uu qeyb ka yahay dadaallo ay dowladda dhexe ugu jirto in ay saldhig siyaasadeed ka hesho gobolka Gedo.

Wararka qaar ayaa sidoo kale sheegaya in dowladda Federaalka ay qorsheyneyso in ciidamo dheeri ah loo diro qaar kamid ah degmooyinka gobolka Gedo si ay u sugaan amniga inta lagu jiro doorashada maamul cusub oo la filayo in lagu dhawaaqo Gobolka Gedo, kaasi oo ka soo horjeeda Axmed Madoobe.

Jahwareer siyaasiyadeed oo adag ayaa ka taagan gobolka Gedo, shacabka ku nool Gobolkaasi ayaa wajahaya khilaaf joogto ah oo u dhexeeya dowladda Dhexe iyo maamulka uu hoggaamiyo Axmed madoobe, taasi oo sameeyn weyn ku yeelata.

WARARKII KALE

RW Xamsa oo la kulmay hoggaanka ururrada siyaasadda ee ka qeybgalay doorashadii goleyaasha deegaanka ee G/Banaadir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan...

Maxaa looga hadlay shirka Golaha Wasiirrada Jubbaland?

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta guddoomiyay...

Baarlamaanka oo dhameystiray dooda wax ka badelka Dastuurka

Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Madaxweyne Geelle oo Cambaareeyay Saldhigga Israa’iil ee Berbera

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maqaal uu dhawaan...

Israa’iil oo aqbashay in Safiirka ay Somaliland u magacowday dalkeeda

Dowladda Israa’iil ayaa sheegtay inay aqbashay in Dr. Maxamed...

DFS oo bilowday baaris ku aadan gabar laga keenay Laascaanood oo loo dhoofin rabay Liibiya

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles