Odayaal lagu xiray Gedo iyo xiisad ka taagan degmada Garbahaarey

Wararka ka imaanaya  degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay xireen xubno ka tirsan golaha guurtida iyo odayaasha dhaqanka gobolkaasi. Odayaashan la xiray ayaa shalay si cad uga soo horjeestay qorshe ay sheegeen in dowladda Federaalka Soomaaliya ku wado dhismaha maamul cusub oo ka madax bannaan maamulka Jubbaland, gaar ahaan gobolka Gedo.

Odayaasha dhaqanka oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garbahaarey maalintii shalay ayaa si adag u cambaareeyay waxa ay ugu yeereen “faragelin joogto ah” oo dowladda Federaalka ay ku hayso gobolka Gedo. Waxay sheegeen in qorshaha Villa Soomaaliya uu yahay mid lagu wiiqayo maamulka Jubbaland laguna abuuro maamul kale oo taageersan dowladda dhexe, iyagoo ku tilmaamay arrintaas “qorshe halis ku ah midnimada iyo xasilloonida gobolka.”

Wararka laga helayo maamulka gobolka Gedo ayaa xaqiijiyay in odayaashaasi ay xireen ciidamo ay sheegeen in ay ka mar qaataan dowladda Federaalka, inkastoo aysan jirin wax war ah ka  soo baxay dowladda Federaalka oo sharaxaya sababta xarigga. Sida ay sheegeen maamulka Gobolka Gedo Jubbaland, amarka xariga waxaa bixiyay masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda dhexe.

Xaaladda Garbahaarey ayaa haatan noqotay mid kacsan, iyadoo bulshada deegaanka ay dareemayaan cabsi iyo walaac ku saabsan suurtagalnimada iskahorimaadyo ka dhaca degmadaasi.

 

Xarigga odayaasha ayaa kusoo aadaya, xili dowladda Federaalka Soomaaliya ay wado qorshe ay ku dhiseyso maamul cusub oo ka madax bannaan maamulka Jubbaland, kaas oo la rumeysan yahay in laga dhisayo gobolka Gedo. Qorshahan ayaa la sheegay in uu qeyb ka yahay dadaallo ay dowladda dhexe ugu jirto in ay saldhig siyaasadeed ka hesho gobolka Gedo.

Wararka qaar ayaa sidoo kale sheegaya in dowladda Federaalka ay qorsheyneyso in ciidamo dheeri ah loo diro qaar kamid ah degmooyinka gobolka Gedo si ay u sugaan amniga inta lagu jiro doorashada maamul cusub oo la filayo in lagu dhawaaqo Gobolka Gedo, kaasi oo ka soo horjeeda Axmed Madoobe.

Jahwareer siyaasiyadeed oo adag ayaa ka taagan gobolka Gedo, shacabka ku nool Gobolkaasi ayaa wajahaya khilaaf joogto ah oo u dhexeeya dowladda Dhexe iyo maamulka uu hoggaamiyo Axmed madoobe, taasi oo sameeyn weyn ku yeelata.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles