Pakistan oo Ku Hanjabtay Isticmaalka Hubkeeda Nukliyeerka Haddii La Khatar Geliyo Jiritaankeeda

Dowladda Pakistan ayaa caawa si cad u sheegtay in ay diyaar u tahay adeegsiga hubkeeda nukliyeerka haddii la khatar geliyo madax-bannaanida iyo jiritaanka dalka. Warsaxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Difaaca Pakistan ayaa lagu xusay in Islamabad aysan sugi doonin weerar nukliyeer oo kaga yimaada Hindiya, balse ay si degdeg ah uga jawaabi doonto haddii ay aragto wax weerar ah ama ku xadgudub ah oo loola jeedo madax-bannaanideeda.

“Pakistan waxa ay qaadi doontaa tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si ay u difaacdo madax-bannaanideeda iyo jiritaankeeda,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Dowladda Pakistan ayaa sidoo kale sheegtay in aysan ogolaan doonin wax faragelin ah oo lid ku ah amniga qaranka, islamarkaana ay diyaar u tahay in ay isticmaasho dhammaan awoodaha ay leedahay, oo ay ku jiraan kuwa nukliyeerka, si ay uga hortagto khatar kasta oo soo wajahda.

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii xiriirka Islamabad iyo New Delhi uu markale cirka isku shareeray, iyadoo dowladda Hindiya sare u qaaday hanjabaadaha ka dhanka ah Pakistan. Arrintan ayaa horseedday in militariga Pakistan la geliyo heegan buuxa oo feejignaan ah, waxaana la adkeeyay ammaanka dhammaan xarumaha muhiimka ah ee dalka.

Khilaafka u dhaxeeya labada dal ee ay hubeeysan yihiin nukliyeerka, oo muddo tobanaan sano ah muran ka taagnaa gaar ahaan gobolka Kashmir, ayaa mar kale cirka isku shareeray, iyadoo beesha caalamka ay walaac xooggan ka muujisay khatarta dagaal weyn oo ka dhex qarxa labada waddan.

Pakistan ayaa ku celisay in doorkeeda uu yahay mid difaac, balse aysan aqbali doonin wax hanjabaad ah oo lid ku ah madaxbannaanideeda. “Ma sugeyno in la na weeraro nukliyeer ahaan; haddii aan dareenno khatar dhab ah, waxaan qaadi doonaa tallaabada ku habboon si aan u difaacno qarankeena,” ayaa lagu yiri hadalka Wasaaradda Difaaca.

Beesha caalamka, oo ay ka mid yihiin Qaramada Midoobay iyo qaar ka mid ah quwadaha waaweyn ee aduunka, ayaa loogu baaqay inay dhexdhexaad ka noqdaan xaaladda oo ay ku dadaalaan xasilinta xiisadda sii kacaysa ee u dhaxeysa Pakistan iyo Hindiya.

WARARKII KALE

DFS oo Cali Jeyte dalacsiisay xilli xiisadda Hiiraan ay sii xoogeysanayso

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Cali Jeyte Cismaan, hoggaamiyihii hore...

Fiqi oo mucaaradka ku eedeeyay dalabka hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab iyo Daacish ee gogosha wada-hadalka

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Horjooge sare oo Al-Shabaab u qaabilsanaa lacagaha baadda ah oo lagu dilay Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 6-aad, Qeybta...

Bangiga Adduunka oo ka fiirsanaya inuu hakiyo taageerada miisaaniyadeed ee uu siiyo Muqdisho

Bangiga Adduunka ayaa ka fiirsanaya inuu hakiyo taageerada miisaaniyadeed...

Deni oo la kulmay Safiirka Ingiriiska iyo arrimo xasaasi ah oo ay ka wadahadleen

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay Safiirka...

Danjiraha Turkiga iyo Waare oo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya iyo gobolka

Danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Ferhat Alkan, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles