Muwaadiniin Soomaali ah oo ku dhintay duqeyn Mareykanku ka fuliyay Yemen

Ugu yaraan 68 muhaajiriin Afrikaan ah ayaa ku dhintay duqeyn ay ciidamada Mareykanka ka fuliyeen xarun ay Xuutiyiintu maamulaan oo ku taalla magaalada Sacda ee waqooyiga Yemen. Xaruntaas oo ahayd meel lagu hayo muhaajiriinta doonayay inay galaan Sacuudi Carabiya, ayaa la duqeeyay xilli hore oo aroor ah.

Ibraahim Cabdulqaadir Macallin, oo ka mid ah Soomaalida ku nool Yemen, ayaa BBC-da u sheegay in goobta la duqeeyay laga soo qabtay muhaajiriin doonayay inay xadka ka gudbaan, kuwaasoo loo diyaariyay in dib loo tarxiilo. Wuxuu sheegay in dhimashadu ay kor u dhaaftay 90 qof, halka dhaawacuna yahay 25. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in 3 ilaa 4 qof oo Soomaali ah laga yaabo inay ku jireen dadka wax ku noqday, inkastoo aan la xaqiijin tiradooda rasmiga ah.

Xuutiyiinta waxay sheegeen in weerarka lagu dilay dad rayid ah iyo tiro yar oo dagaalyahanno ah, halka wararka qaarna ay sheegayaan in boqollaal xubnood oo ka tirsan Xuutiyiinta la laayay. Duqeyntan ayaa qayb ka ah dagaalka sii xoogeysanaya ee gobolka.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Yemen ayaa sheegay inay si dhow ula socdaan xaaladda muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku sugan xuduudaha.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen labada guddoon ee BFS?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa Itoobiya oo si nabad ah ku gaaray Ceel-Barde

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta...

Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

Wareegtada ayaa lagu xusay in sharciga Nabadgelyada Guud ee...

RW Xamsa oo gaaray Jeddah iyo Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa...

Dagaalka Mooyaale oo maalintii afraad galay

Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles