Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugatoor, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya George Conway oo sidoo kale ah, Isuduwaha Hawlaha Bani’aadamnimada ee xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya
Kulanka ayaa looga hadlay Mashaariicda horumarin ee Qaramada Midoobey ay fuliso, si gaar ah waxaa muhiimada loo siiyay arrimaha bini’aadantinimada iyo xasiloonida.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyay Qaramada Midoobey Taageerada ay siiso dadka Soomaaliyeed .
Sidoo kale Isku duwaha ayaa balan qaaday inuu ka shaqeyno siddii loo xoojin lahaa taageerada ay siiyaan maamulka Puntland, islamarkaana ay ka shaqeyn doonaan siddii gargaar loo gaarsiin lahaa qoysaska danta yar ee ku soo barakacay magaalooyinka Puntland.