Saturday, June 13, 2026

Puntland oo dalbatay in Xasaanada laga qaado Xildhibaan C/rashiid Yuusuf Jibriil

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dowladda Puntland Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) ayaa si rasmi ah u codsaday in xasaanadda laga qaado Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo horey u soo noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Qoraal rasmi ah oo sumadiisu tahay XIG/DPS/36/2025 ayaa loo diray Golaha Wakiillada Puntland, kaas oo lagu codsanayo in laga qaado xasaanadda Xildhibaanka si loo horgeeyo sharciga, iyadoo lagu eedeeyay inuu galay falal culus oo khatar ku ah amniga Puntland.

Eedeymaha loo jeediyay Xildhibaanka waxaa kamid ah:

  • Abaabul ciidan oo lagu carqaladeynayo amniga gobolka Sanaag.
  • Faafinta sawirro iyo hadallo baraha bulshada ah oo lagu dhaliilayo Puntland isaga oo xiran dareyska ciidanka.
  • Ku lug lahaansho dambiyo culus sida ku xusan qodobbada 221, 223 iyo 233 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Xeer-ilaaliyaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in xasaanadda laga qaado si ciidamada ammaanku u helaan fursad ay ku soo qabtaan, loona bilaabo maxkamadeyn rasmi ah.

Warqaddan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Puntland ay wajahaysay xaalado siyaasadeed oo cakiran, gaar ahaan khilaafyo siyaasadeed oo ka taagnaa Baarlamaanka iyo dhaliilo uga imaanaya siyaasiyiinta mucaaradka ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Koofur galbeed oo soo saartay go’aano amni oo lagu sugayo Baydhabo

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Madaxweynaha Somaliland oo beri tagaya Israa’iil

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed...

Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab Ku Qaadday Saldhig Ku Yaalla Mandheera

Ciidamada ammaanka Kenya ayaa ka hortagay weerar habeenimo oo...

FBI-da Oo Gacanta Ku Dhigtay Soomaali Lagu Eedeeyay Musuqmaasuq Ka Badan $4 Milyan

Hay’adda Baarista Federaalka Mareykanka ee FBI-da ayaa shaacisay inay...

22 dal oo digniin wadajir ah u diray Iiraan`

Labaatan iyo laba dal, oo ay ku jiraan Mareykanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles