Puntland oo dalbatay in Xasaanada laga qaado Xildhibaan C/rashiid Yuusuf Jibriil

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dowladda Puntland Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) ayaa si rasmi ah u codsaday in xasaanadda laga qaado Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo horey u soo noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Qoraal rasmi ah oo sumadiisu tahay XIG/DPS/36/2025 ayaa loo diray Golaha Wakiillada Puntland, kaas oo lagu codsanayo in laga qaado xasaanadda Xildhibaanka si loo horgeeyo sharciga, iyadoo lagu eedeeyay inuu galay falal culus oo khatar ku ah amniga Puntland.

Eedeymaha loo jeediyay Xildhibaanka waxaa kamid ah:

  • Abaabul ciidan oo lagu carqaladeynayo amniga gobolka Sanaag.
  • Faafinta sawirro iyo hadallo baraha bulshada ah oo lagu dhaliilayo Puntland isaga oo xiran dareyska ciidanka.
  • Ku lug lahaansho dambiyo culus sida ku xusan qodobbada 221, 223 iyo 233 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Xeer-ilaaliyaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in xasaanadda laga qaado si ciidamada ammaanku u helaan fursad ay ku soo qabtaan, loona bilaabo maxkamadeyn rasmi ah.

Warqaddan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Puntland ay wajahaysay xaalado siyaasadeed oo cakiran, gaar ahaan khilaafyo siyaasadeed oo ka taagnaa Baarlamaanka iyo dhaliilo uga imaanaya siyaasiyiinta mucaaradka ah.

WARARKII KALE

Ammaanka Baydhabo oo la adkeeyay iyo diyaar-garowga shirka oo socda

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo...

Mareykanka oo xiray wiil Soomaali ah oo weerar ka fulin rabay Minnesota

Hay’adaha ammaanka Mareykanka ayaa xiray Sheikhdoon Cabdullaahi Maxamuud, oo...

Puntland oo war ka soo saartay xal u helida colaada ka taagan G/Sanaag

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), ayaa...

Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen diyaarad ay ku leedahay Sacuudiga

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad aan...

Taliyaha ciidanka Badda oo Talyaaniga uga qaybgalay shir caalami ah

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa...

Dad ku dhintay weerarada Sacuudiga

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa Arbacadii sheegay in saddex qof ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles