Puntland oo ka hortimid shirka ka socda Muqdisho iyo weerar afka ah oo ay ku qaadeen RW Xamsa

Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa waxaa uu ka hadlay shirka gogosha wadatashiga Qaranka ee ka socda Magaalada Muqdisho, islamarkaana ay ka soo qeyb galeen xubno ka soo jeedo deegaanada Puntland.

Dirir ayaa shaaca ka qaaday in shakhsiyaadka deegaanadeeda ka tagay ee ka qeyb galaya shirka wadatashiga ee Muqdisho ka socda in aysan matelin shacabka Puntland, isagoona ku eedeeyay in dadkaasi inay yihiin kuwa loo adeegsanayo inay xasarado ka kiciyaan Puntland, balse waxa uu sheegay in ay yihiin dad aan wax saaamayn ah lahayn, waxaa uuna ku tilmaamay barakacayaasha siyaasadda ku saaqiday, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in shirka ka socda Muqdisho uusan wax natiijo ah ka soo bixi doonin, isagoona shaaca ka qaaday in shirka uu yahay Shimbirayahow heesa.

Dhanka kale, wasiirka warfaafinta Puntland ayaa weerar afka ah ku qaaday R/wasaaraha Soomaaliya, isagoo sheegay inuu ku fashilmay kaalintiisii siyaasadeed ee dalka, iyo awood qeybsiga siyaasadeed ee uu joogo kursiga raysal wasaaraha dalka.

Wasiir Maxamuud Caydiid oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale shaki geliyay dhalashada Ra’iisul wasaare Xamse, oo uu ku tilmaamay mid ka haray dadkii Xamar looga qaxay burburkii Soomaaliya ee sannadkii 1991, waxaana uu xusay in aan la hubin Reerka uu sheegto in uu ka soo jeedo.

” Marxuum Xamse wuxu yiri:shacabka Reer Puntland baa ciqaaban, balse isaga ayaa ciqaaban oo xoreyn u baahan, wuxu awoodi waayay in uu wax go’aan ah ku yeesho xafiiskii loo magacaabay ee xilka Ra’iisul wasaaraha dalka, waa marxuum aniga dhalashadiisi ayaaba shaki igaga jiraa dadkii Xamar looga qaxayna waa ku jiray” ayuu yiri Wasiir Caydiid.

Hadalka Wasiirka ayaa ku soo aadaya xilli magaalada Muqdisho uu ka socdo shirka gogosha wadatashiga Qaranka, kaasi oo ka qeyb galayaan qaar ka mid ah xisbiyada mucaaradka Puntland, siyaasiyiin iyo xubno ka socda bulshada rayidka.

 

WARARKII KALE

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles