Thursday, September 18, 2025

Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay degmada Dayniile ee Muqdisho

Wararka ka imaanaya degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in uu halkaas ka dhacay qarax miino, kaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo la sheegay inuu ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ee soo boodada ah ayaa ka dhacay maqaayad yar oo laga cabo shaaha, taas oo ku taalla laamiga degmada Dayniile, gaar ahaan agagaarka Masjidka Muumino Ceelbuur.

Goob-joogayaal ayaa xaqiijiyay in hal qof oo shacab ah uu ku dhintay qaraxa, halka saddex qof oo kale ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen. Ninka geeriyooday ayaa la sheegay inuu marayey meel u dhow goobta qaraxa uu ka dhacay.

Goobta qaraxu ka dhacay ayaa sidoo kale ah meel u dhaw bar-koontarool ay ciidamada ammaanku ku baaraan gaadiidka, taas oo keentay in ciidamada si degdeg ah u gaaraan aagga, iyagoo xiray goobta islamarkaana bilaabay baaritaanno.

Ilaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo rasmi ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Qaraxan ayaa imaanaya xilli magaalada Muqdisho ay ku jirto xaalad amni oo isbedel ku yimid, iyadoo la dareemayo mararka qaar degganaansho, balse weli ay jiraan falal lid ku ah nabadgelyada guud ee caasimadda.

WARARKII KALE

Wasiir Fiqi oo shaaciyay hal arrin oo ay Soomaaliya ka heshay Turkiga

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallim Fiqi, ayaa wareysi gaar...

Xasan Shire oo ka mid ah mucaaradka Puntland oo kulamo siyaasadeed oo ka dhan ah Deni ka bilaabaya Garoowe

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo...

RW Xamza oo Weerar Afka ah Ku Qaaday Siyaasiyiinta Mucaaradka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre,...

Madaxweynaha Suuriya oo rajo wanaagsan ka muujiyay wadahadllada kala dhaxeeya Israa’iil

Madaxweynaha ku meel-gaarka ah ee Suuriya, Axmed al-Sharaa, ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku adkeeyay muhiimadda E-Visa iyo Aqoonsiga Qaranka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si cad oo...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 17/09/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles