Wednesday, August 5, 2026

Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay degmada Dayniile ee Muqdisho

Wararka ka imaanaya degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in uu halkaas ka dhacay qarax miino, kaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo la sheegay inuu ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ee soo boodada ah ayaa ka dhacay maqaayad yar oo laga cabo shaaha, taas oo ku taalla laamiga degmada Dayniile, gaar ahaan agagaarka Masjidka Muumino Ceelbuur.

Goob-joogayaal ayaa xaqiijiyay in hal qof oo shacab ah uu ku dhintay qaraxa, halka saddex qof oo kale ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen. Ninka geeriyooday ayaa la sheegay inuu marayey meel u dhow goobta qaraxa uu ka dhacay.

Goobta qaraxu ka dhacay ayaa sidoo kale ah meel u dhaw bar-koontarool ay ciidamada ammaanku ku baaraan gaadiidka, taas oo keentay in ciidamada si degdeg ah u gaaraan aagga, iyagoo xiray goobta islamarkaana bilaabay baaritaanno.

Ilaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo rasmi ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Qaraxan ayaa imaanaya xilli magaalada Muqdisho ay ku jirto xaalad amni oo isbedel ku yimid, iyadoo la dareemayo mararka qaar degganaansho, balse weli ay jiraan falal lid ku ah nabadgelyada guud ee caasimadda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 04 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Qatar oo war ka soo saartay wadahadallada Maraykanka iyo Iiraan

Qadar ayaa sheegtay in dhexdhexaadiyeyaashu ay sii wadaan dadaalladooda...

Soomaaliya iyo Pakistan oo Kala Saxiixday Is-afgarad Ku Saabsan Iskaashiga Difaaca

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan...

Taliyaha ciidanka XDS oo tababar u soo xiray ciidan ka tirsan Kumaantoosta Danab

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya oo ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa ka furmay magaalada...

Taliye Ku xigeenka Ciidanka Difaaca Uganda oo soo gaaray Muqdisho

Taliye Ku xigeenka Ciidanka Difaaca Uganda, Sareeye Guud Sam...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles