Qatar iyo Iiraan oo ka wadahadlay xiisadda gobolka bariga dhexe

Abbas Araqchi, oo booqasho ku jooga Qatar, ayaa la kulmay Maxamed bin Cabdiraxmaan bin Jassim Al-Thani, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar.

Sida ay sheegayaan warbaahinta Qatar, kulanka ayaa looga hadlay dadaallada socda ee lagu yareynayo xiisadaha gobolka.

Ra’iisul Wasaaraha Qatar wuxuu soo dhoweeyay wada-hadallada u dhaxeeya Mareykanka iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ee lagu qabtay Muscat, isagoo muujiyay rajo ah in wada-hadalladan ay keeni doonaan heshiis dhamaystiran oo dan u ah labada dhinac isla markaana xoojinaya amniga iyo xasilloonida gobolka.

Sidoo kale wuxuu adkeeyay baahida loo qabo dadaallo wadajir ah si dadka gobolka looga ilaaliyo cawaaqibka xiisadaha, wuxuuna ku baaqay in la sii wado isku-duwidda “dalalka walaalaha iyo saaxiibka ah” si khilaafaadka loo xalliyo iyada oo loo marayo xalal diblomaasiyadeed.

Abbas Araqchi ayaa hore u sheegay in haddii ciidamada Mareykanka ee ku sugan gobolka ay weeraraan Iran, Tehran sidoo kale ay bartilmaameedsan doonto saldhigyada Mareykanka ee Bariga Dhexe.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa Sabtidii carabka ku adkeeyay in tallaabo noocaas ah aan loo arkin weerar lagu qaadayo dalalka martigeliya saldhigyadan.

Iran ayaa gantaallo ku ridday saldhig militari oo ku yaalla Qatar kaddib markii Mareykanku duqeyn ku qaaday xarumaha nukliyeerka Iran intii lagu guda jiray dagaalkii 12-maalmood socday xagaagii la soo dhaafay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles