Qatar oo martigelineysa shir dhaqaale loogu raadinayo Ciidamada Nabad Ilaalinta Soomaaliya ee AUSSOM

Dalka Qatar ayaa dhamaadka bishan martigelin doona shir heer caalami ah oo lagu taageerayo howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee AUSSOM (African Union Somalia Mission).

Shirka ayaa diiradda saari doona sidii dhaqaale dheeraad ah loogu heli lahaa ciidamada nabad ilaalinta si ay u sii wadaan howlgalladooda nabad-dhisidda iyo la-dagaallanka argagixisada.

Shirkan ayaa la filayaa in ay ka qeybgalaan wakiillo ka socda Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya, iyo sidoo kale madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qatar, oo muddooyinkii dambe kaalin muuqata ka qaadanaysay arrimaha gobolka, ayaa ballan qaaday inay door muuqda ka ciyaari doonto dadaallada lagu xoojinayo amniga Soomaaliya.

Qaramada Midoobay ayaa si degdeg ah ugu baaqday in la helo $41.6 milyan oo dheeraad ah si loo xoojiyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee taageerada iyo xasillinta Soomaaliya (AUSSOM),

Dowladda Mareykanka ayaa si weyn uga soo horjeestay inay wax lacag ah ku bixiso howlgalka AUSSOM iyada oo la adeegsanayo qaabka 2719, isagoo sheegay in Soomaaliya aysan u qalmin qaabkaas, islamarkaana la doonayo habab kale oo maalgelin ah.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles