Qaramada Midoobeey ayaa ugu baaqday ciidamada ammaanka Tansaaniya in aysan u adeegsan awood aan loo baahnayn ama mid xad dhaaf ah oo ka dhan ah dadka mudaharaadaya ee ka cabanaya natiijooyinka doorashooyinka.
Afhayeen u hadlay QM ayaa sheegay in la sameeyo dadaal kasta oo lagu dejinayo xiisadda, isla markaana uu ugu baaqayo mudaharadayaasha inay si nabad ah u muujiyaan dareenkooda.
Xisbiga ugu weyn mucaaradka ee Chadema ayaa sheegay in mudahradayaashu ay ku sii jeedaan bartamaha magaalada Dar es Salaam oo ah caasimada ganacsiga ee Tansaaniya.
Ururrada xuquuqda aadanaha ayaa sheegay ugu yaraan boqol qof lagu dilay labada maalmood ee iska hor imaadyadu socdeen (Mucaaradku waxa ay sheegeen tiro intaasi ka badan, in kasta oo hakadka internet-ka ayaa ka dhigaya mid adag in si madax-bannaan loo xaqiijiyo tirada dhimashada iyo dhaawaca) Dowladda ayaa isku dayday yaraynta cabbirka rabshadaha.


