Wednesday, July 29, 2026

Qoor qoor oo ugu baaqay shacabka Galmudug in ay garab istaagaan ciidamada ammaanka

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa boqolaal ka mid ah shacabka iyo masuuliyiinta Galmudug kula tukaday Salaadda Ciidda Carafo barxadda Xarunta Baarlamaanka Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha ayaa salaadda kaddib khudbad uu u jeediyay shacabka kaga hadlay xaaladda guud ee dalka, muhiimadda ilaalinta nabadgalyada, xoojinta wadajirka bulshada iyo ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa tilmaamay in nabadgalyadu ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu gaari karo horumar, dowladnimo iyo adeeg bulsho oo tayo leh, isaga oo ugu baaqay shacabka Galmudug in ay garab istaagaan ciidamada ammaanka iyo hay’adaha dowliga ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidda, isaga oo Alle uga baryay in uu dalka ku manneysto nabad, barwaaqo iyo xasillooni waarta.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ruushka oo si adag ugu hadlay weerarkii Ukraine ku beegsatay markab Iiraan leedahay

Ruushka ayaa sheegay in weerarkii markabka Iiraan ay ku...

Madaxweyne Xasan sheekh oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Darin LaHood  

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dowladda Soomaaliya oo si adag u Cambaareysay Weerarradii lagu Beegsaday Sacuudiga

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarradii...

Puntland oo sheegtay in ay qabatay agab ciidan oo ka yimid dhanka Galmudug

Maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay magaalada...

Wasiir Cali Xoosh oo si adag uga Jawaabay Mucaaradka: “Dib Looguma Noqonayo Marxaladihii Ku-meelgaarka”

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Cali Yuusuf...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles