Tuesday, March 3, 2026

R/W ku xigeen Saalax oo soo xiray shirka looga hadlayay maareynta Hubka ee ka socday Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa soo xiray shirweynaha Qaran ee Maareynta Hubka, Rasaasta, iyo Ka Hortagga Qaraxyada Macmalka ah, kaas oo muddo labo maalmood ah ka soconayay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa sheegay in maareynta hubka iyo rasaasta ay laf-dhabar u yihiin amniga dalkeenna, isla markaana ay Xukuumadda DanQaran mudnaan gaar ah siinayso horumarinta siyaasadaha iyo farsamooyinka lagu xakameynayo hubka sharci darrada ah iyo la-dagaallanka maleegidda qaraxyada lagu carqaladeynayo amniga, sida lagu sheegay warka.

Shirweynaha, ayaa intii uu socday diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa hirgelinta Qorshaha Qaran ee Maareynta Hubka iyo Rasaasta, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa awoodda hay’adaha ammaanka ee la-dagaallama qaraxyada iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta u dhaxeysa hey’adaha Qaran ee heerarka kala duwan iyo saaxiibada caalamiga ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

Horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles