Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka oo kormeer ku tegay Machadka Daraasaadka Amniga

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay Machadka Daraasaadka Amniga ee hoos yimaada Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed,isagoo u kuurgeliyay shaqooyinka muhiimka ah ee machadkan, gaar ahaan habsami u socodka imtixaanka dufcaddii 3aad ee ka qalinjabinaysa tan iyo markii machadka la aasaasay.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka ayaa bogaadiyay maamulka iyo shaqaalaha Machadka oo shaqo muhiim u ah horumarinta amniga qaranka u haya dalka, wuxuu sidoo kale, hambalyo u diray ardayda soo gabagabeyneysa waxbarashadooda, iyagoo noqon doona laf-dhabarta xoojinta xasilloonida iyo horumarka dalkeenna.

Ugu dambeyn, wuxuu hoosta ka xariiqay in Machadkani tiir muhiim ah u yahay kaalin weynna ka qaatay soo saarista xirfadlayaal aqoon sare u leh amniga iyo la dagaallanka fikirka xagjirka. Ardayda machadka ka baxaysa waxay bartaan culuum muhiim u ah amniga qaranka, sida cilmiga dambiyada, falanqaynta khataraha, iyo la dagaallanka fikradaha waxyeellada leh ee bulshada lagu marin habaabinayo.

WARARKII KALE

Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen diyaarad ay ku leedahay Sacuudiga

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad aan...

Taliyaha ciidanka Badda oo Talyaaniga uga qaybgalay shir caalami ah

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa...

Dad ku dhintay weerarada Sacuudiga

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa Arbacadii sheegay in saddex qof ay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles