Tuesday, May 13, 2025

Wasiirka Maaliyadda XFS oo rasmi ah u daah-furay Miisaaniyadda Dowladda ee 2025-ka

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Miisaaniyadda Dowladda ee 2025-ka, kadib munaasabad kooban oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasibadda daahfurka Miisaaniyadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin kala tirsan dhammaan hey’adaha Dowladda, ururada bulshada oo ka kooban Aqoonyahano, Culimo iyo Waxgarad. Intii ay socotay munaasibadda ayaa waxaa faahfaahin ka mixiyay hab maamulka guud ee Miisaaniyadda iyo sida loo isticmaalayo, Agaasimaha Miisaaniyadda Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Cadi Adan (Iraad). Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Saleiman Sheekh Cumar ayaa ka hadlay ahmiyadda ay miisaaniyada u lee dahay Wasaaradda iyo habka hufnaanta Maamulka Guud ee Maaliyadda.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabadda ku sheegay sida ay Dowladda uga go’an tahay horumarinta Maaliyadda dalka taas oo uu ku tilmaamay in koroorka miisaaniyadda ay sabab u tahay casriyeynta ilaha dakhliga iyo hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka.

Miisaaniyadda Dowladda ee 2025-ka oo ah mid ka sareysa dhammaan Miisaaniyaddihii dowladda tan iyo markii kumeel gaarka laga baxay ayaa gaartay $1.3 Billion oo Doollar, taas oo mudnaan siinaysa arrimiha bulshada iyo amniga dalka.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 12/05/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW Xamsa Hadaf keenun Waa Doorasho Qof iyo Cod Ah”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

DFS iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo shir uga furmay Magaalada Nairobi

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka furmay shir...

Xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sacuudi Carabi

Qaar ka mid ah Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan 1446...

Maxaa looga hadli doonaa kulanka Golaha shacabka ee maanta?

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulankoodii...

Ciidamada xoogga iyo kuwa Daraawiishta KGS oo weerar ku qaaday duleedka deegaanka Deynuunay ee Gobolka Baay

Ciidanka Daraawiishta ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo garab...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles