Monday, March 2, 2026

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo soo xiray shirka Mac-hadka Heritage ee ka socday magaalada Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in shirku ku soo aaday xilli dalka uu ku jiro isbeddel weyn oo dhinacyada amniga, dhaqaalaha, horumarka iyo diblomaasiyadda ah, isaga oo tusaale u soo qaatay doorashadii caasimadda oo si nabad ah u qabsoontay, muwaadiniintuna ay si kalsooni leh u codeeyeen.

Waxa uu xusay in horumarka dhinacyada amniga iyo diblomaasiyadda ee dalkeenna ka jira ay suurageliyeen in laga hortago xadgudubyo qarannimada dalka , isaga oo bogaadiyey saaxiibbada caalamiga ah ee taageeray midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya. Sidoo kale, wuxuu ka hadlay xaaladda bani’aadannimo ee dalka ka jirta, isaga oo sheegay in abaaruhu ay saameeyeen ku dhowaad 4.4 milyan oo qof, kuwaas oo u baahan gurmad degdeg ah.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu caddeeyey in Soomaaliya aysan aqbalayn wax kasta oo wiiqaya gobonimada iyo midnimada dalka, isla markaana ay diyaar u tahay nabad iyo iskaashi ku dhisan dan-wadaag. Waxa uuna adkeeyey in isku day kasta oo lagu kala qaybinayo dalka ay si mideysan uga hortagayaan dowlad iyo shacabba.

Dhanka kale , Mudane Xamsa ayaa shaaciyay in qodista shidaalka bisha May ee sanadkan ay ka bilaaban doonto deegaanada Galmudug meel ka mid ah.

Ugu dambayn, wuxuu ugu baaqay siyaasiyiinta Soomaaliyeed midnimo iyo wada-hadal, isaga oo xusay in gogosha wadahadalka ay ka furantahay Muqdisho.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Jubbaland iyo Puntland oo u yeertay xildhibaanada ku matala BFS

Madaxweynayaasha Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa wadatashi ugu yeertay...

Magacyada Saraakiishii ugu sareysay Iran ee la dilay

Tiro ka mid ah mas’uuliyiinta sarsare ee Iiraan ayaa...

Taliyaha ciidamada xoogga oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay Talyaaniga

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...

Ciidamada Amniga oo qabtay nin miino ku aasi rabay Marka

Ciidamada ammaanka ee Degmada Marka ayaa gacanta ku dhigay...

Hoggaamiyihii Iran oo duqeyn lagu dilay

Ayatollah Ali Khamenei, Hoggaamiyihii Sare ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles