Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo kormeeray Wasaaradda Hawlaha Guud

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Jaamac, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mudane Saalax Jaamac waxaa halkaas si diirran ugu soo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda mudane Maxamed Xuseen Gaaraxo, Agaasimaha Guud mudane Faarax Cabdinuur Axmed iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan hoggaanka waaxyaha iyo madaxda mashaariicda Wasaaradda.

Intii uu kormeerka socday, Mudane Saalax Jaamac ayaa si gaar ah u kuur galay mashaariicda horumarineed ee ay Wasaaraddu fulinayso, kuwaas oo ay ka mid yihiin Mashruuca Nagaad, oo diiradda saaraya dhismaha waddooyinka iyo biyo-xireennada dalka, kuwaas oo si hufan uga socda gobollada kala duwan ee Soomaaliya.

Intaa kadib, waxaa lagu soo bandhigay warbixinno iyo muuqaallo muujinaya waxqabadka wasaaradda ee qeybta ay kaga jirto Barnaamijka Dan-Qaran, kaas oo muhiim u ah horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.

Dhankiisa, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS kormeerkiisa, isagoo xusay in wasaaraddu ay ka go’an tahay hufnaan, daahfurnaan, iyo fulinta ballanqaadyada Xukuumadda Dan-Qaran, si loo sii xoojiyo dadaallada dib u dhiska iyo guriyeynta shacabka Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 10 2026

 Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

kulan uu qayb Ka ahaa hoggaamiyaha sare ee Iiraan oo la shaaciyey

Sida ay sheegtay Wakaaladda Raadiyaha iyo Telefishinka Iran, Mohammad...

Duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya oo khasaare ka soo gaaray dad rayid ah

Warbixin Baaritaan ah oo ay baahisay telefishinka Al Jazeera...

Ammaanka Dhuusamareeb oo la adkeeyay iyo Galmudug isu diyaarinayso doorashada Madaxweynaha

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa si...

Kiiska Dastuurka oo weji cusub yeeshay iyo Maxkamada sare oo jawaab ka sugeysa DF

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa furtay gal-dacwadeed dastuuri ah...

Soomaaliya oo si adag uga hortimid khariidad uu Netanyahu soo bandhigay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay khariidad...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles