Sunday, March 8, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-xasan.

Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan xaaladda guud ee deegaannada Waqooyi Bari Soomaaliya, ka dhageystay Guddoomiyaha, Isaga oo kula dardaarmay in Madaxda la doortay ee Maamulku ay xoogga saaraan sidii loo ilaalin lahaa nabadda, wada-noolaanshaha bulsho, xasilloonida iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Kulanka, waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka biyaha XFS, Mudane Maxamed Cabdullaahi Faarax iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay Shirka Madaxda Bariga Africa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

RW Xamsa oo xariga ka jaray xarunta ka jawaabista xaaladaha deg dega ah ee amniga Isgaarsiinta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Tanzania

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si heer sare ah...

Masar iyo Mareykanka oo ka wada hadlay arrimaha Soomaaliya iyo xasilloonida Geeska Afrika

Sida ay baahisay Egypt today wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles