Saturday, January 17, 2026

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Guinea oo 5 sano loogu xukumay musuq-maasuq

Maxkamad gaar ah oo ka dhisan dalka Guinea ayaa shan sano oo xabsi ah ku xukuntay ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaasi, kadib markii lagu helay dambiyo la xiriira musuq-maasuq iyo lunsasho hanti dadweyne.

Ibrahima Kassory Fofana, oo horey u ahaa ra’iisul wasaaraha xukuumaddii madaxweynihii hore Alpha Condé, ayaa sidoo kale lagu ganaaxay laba bilyan oo franki Guinea ah ($230,000). Xukunkiisa ayaa lagu dhawaaqay Khamiistii, magaalada Conakry ee caasimadda dalka.

Maxkamaddu waxay Fofana ku heshay inuu lunsaday ilaa 15 bilyan oo franki Guinea ah ($1.7 milyan) oo ka mid ah dhaqaalaha barnaamijyada daryeelka bulshada ee dowladdii hore, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen dadaalladii wax looga qabanayay cudurka COVID-19.

Wuxuu ka mid yahay mas’uuliyiin badan oo ka tirsanaa xukuumaddii la afgambiyay ee Condé, kuwaas oo ay maxkamaddu si gaar ah u dabagalayso tan iyo markii militarigu la wareegeen talada dalka.

Fofana wuxuu xilka ra’iisul wasaaraha hayay intii u dhaxaysay May 2018 iyo September 2021, markii militarigu xukunka la wareegeen. Waxaa la xiray bishii April 2022 isagoo lagu eedeeyay musuq-maasuq, wuxuuna xabsiga ku jiray tan iyo markaas.

Fofana si adag uyuu beeniyey eedeymaha, waxaana qareennadiisa ay ku tilmaameen dacwadiisa “ugaarsasho siyaasadeed.”

Dacwadiisu waxay socotay muddo dheer, iyadoo dib u dhac uu ku yimid sababo la xiriira xaaladdiisa caafimaad oo sii xumaanaysay. Wuxuu marar badan codsaday in loo oggolaado inuu dalka dibaddiisa aado si uu caafimaad u raadsado, balse codsigaas waa la diiday.

Guinea waxay ka mid tahay dalal dhowr ah oo Galbeedka Afrika ku yaalla, sida Mali, Niger iyo Burkina Faso, oo militarigu la wareegeen xukunka iyagoo dib u dhigay qorshayaashii talada loogu celin lahaa rayidka.

Col. Mamadi Doumbouya, hoggaamiyaha taliska militariga, ayaa xukunka la wareegay sannadkii 2021, isagoo ku dhaleeceeyay dowladdii hore inay ka baxday ballanqaadyadii ay sameysay.

Wuxuu balanqaaday inuu dalka ka ciribtirayo xukun xumo iyo musuq-maasuq. Si kastaba ha ahaatee, kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ka digay in xorriyadaha iyo mucaaradka la cabburinayo ee isa soo taraya.

WARARKII KALE

Somaliland oo ciidamo cusub ku soo Bandhigtay G/Sool

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ka badan 6,000 askari...

Madaxweyne Xasan oo Laascaanood ay isku wareysteen Wafdi ka socda dowladda Jabuuti

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoyga uu ka...

Weerar hubeysan oo xalay ka dhacay saldhigga dhexe ee Garowe

Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo hubeysan ayaa xalay...

MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka ee maamulka Waqooyi Bari

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan...

Trump oo ugu hanjabay canshuuro cusub dalalka ka soo horjeeda la wareegitaanka Greenland

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu canshuur...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles