Friday, March 13, 2026

RW dalka Qatar oo kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliland

Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha Maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar.

Labada dhinaca ayaa kulanka isku weydaarsaday aragtiyo ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, muhiimadda ay leedahay in la taageero dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro amniga iyo xasiloonida, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka iyo dhisida kalsoonida dhinacyada kala duwan.

Intii kulanka uu socday ayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar waxa ay xaqiijiyeen in Dowladda Qatar ay aaminsan tahay in mustaqbalka Soomaaliya uu ku dhisan yahay furfurnaan iyo isgaarsiin wax ku ool ah oo dhex mara dhammaan qeybaha ay ka kooban tahay, iyadoo la xaqiijinayo ixtiraamka gobannimada iyo midnimada Qaranka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Turkey oo 4 markab dagaal u soo diraysa xeebaha Somalia

Dowladda Turkey ayaa ku dhawaaqday inay afar markab oo...

Buundada Sabiid iyo Caanoole oo maanta duntay

Buundada ku taalla deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka...

DFS oo ka digtay saldhig militari oo Israa’iil ka dhisan karto Berbera

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka digtay in dhulka dalka...

Trump oo ka hadlay xaalada hoggaamiyaha cusub ee Iran

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in hoggaamiyaha cusub...

Jaamacada Carabta oo soo dhaweysay Ansixinta Dastuurka

Axmed Aboul Gheit, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles