Friday, February 7, 2025

RW ku-xigeenka labaad ee dalka oo guddoomiyey kulanka Guddiga Fududeynta Arrimaha Ganacsiga Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa guddoomiyey kulankii ugu horreeyey ee ay yeeshaan Guddiga Fududeynta Arrimaha Ganacsiga Soomaaliya (NTFC) oo ka kooban 18 xubnood oo isugu jira Wasaarado iyo Hey’addo Dowladdeed.

Kulanka, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira sidii ay Soomaaliya ugu biiri lahayd Hey’adda Ganacsiga Adduunka ee (WTO), oo dhaqaalaha Soomaaliyeed u abuuri kara fursad weyn oo kobac dhaqaale ah.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, Mudane Cabdisalaan Cali, ayaa xubnaha guddiga ee kulanka ka qeyb galay kula dardaarmay sidii ay u yeelan lahaayeen wada-shaqeyn dhow, si looga faa’iideysto fursadaha jira, maadaama ay Soomaaliya xubin ka tahay ururro waaweyn oo ganacsi iyo dhaqaale.

WARARKII KALE

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xoojiyay Baaqa Golaha XFS Ee Dagaalka Ka Dhanka Ah Daacish

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 06/02/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Donald Trump oo sheegay in Israa’iil ay ku wareejin doonto Qaza Mareykanka,

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Israa’iil ay...

Wararkii ugu danbeeyay ee colaadda Sudan

Ilo-wareedyo ciidan ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay...

Firdhiye oo furay dugsiga tababarka ciidanka Daraawiishta SSC

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa maanta...

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Gudoomiyay Kulanka Guddiga Joogta ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles