Saturday, June 14, 2025

Duqa Muqdisho oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dawladda Talyaaniga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Danjiraha Dawladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Amb. Pier Mario Daccò Coppi.

Guddoomiye Amiir iyo Danjire Pier Mario Daccò Coppi, ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac iyo skaashi ku dhisan wax wada qabsi oo dhex mara labada dhinac.

Duqa Muqdisho ayaa ka mahadceliyay doorka Dowladda Talyaaniga ee garab istaaga Soomaaliya, taasi oo ku dhisan xiriir soo jireen oo aad u fog, waxayna sidoo kale, kale labada dhinac si qoto dheer kaga wada hadleen isku xirka Dowladdaha Hoose ee Talyaaniga iyo Muqdisho, hirgelinta mashaariicyo horumarineed oo wax tar u leh dhalinyarada iyo in Dowladda Talyaaniga ay qeyb ka qaadato dib-u-dhiska dhismooyinka ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho, taasi oo qeyb ka ah qorshaha horumarka iyo bilicda Caasimadda.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 13/06/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Shan urur siyaasadeed oo War cusub kasoo saaray Gogosha uu fidiyay Xasan Sheekh

Illaa shan Urur Siyaasadeed oo dhowaan iska diiwaan geliyay...

Iran oo Golaha amaanka ee QM ka dalbatay kulan deg deg ah

Iran ayaa codsatay kulan degdeg ah oo ay yeeshaan...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wadahadlay xoojinta amniga

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Mudane Xuseen Macalin, ayaa kulan...

Israa’iil oo weerar ku qaaday Iran

Israa’iil ’il ayaa Waaberigii saaka weerar culus ku qaaday...

Mucaaradka oo ka horyimid go’aanka ay DF ku dhaliishay Beesha Caalamka

Madasha Samatabixinta Sooomaaliyeed oo ku mideysan yihiin madaxdii hore...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles