Monday, August 17, 2026

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa la kulmay H.E. Dr. Badr Abdel Atty, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta xasilloonida gobolka, oo ay ku jirto dardargelinta howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo taageeridda Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira argagixisada.

Labada wasiir ayaa bogaadiyay socdaalka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur uu ku joogo magaalada Qaahira oo ay ku tilmaameen tallaabo loo qaaday wadashaqeyn xooggan.

Dr. Badr Abdel Atty Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar waxa uu ku cel-celiyay in Masar ay si hagar la’aan ah u taageereyso midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Soomaaliya, isaga oo xoogga saaray dadaallada wadajirka ah ee lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac iyo bixinta kaalmo farsamo.

Wasiirrada ayaa isku raacay in la xoojiyo xiriirka labada dowladood iyada oo loo marayo guddiga wadajirka ah ee wasiirada iyo in la dhaqangeliyo qodobbadii ka soo baxay shirkii dhex maray Masar, Soomaaliya iyo Ereteriya ee 2024-ka, kor u qaadista amniga Geeska Afrika iyo arrimaha Badda Cas.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles