Wednesday, March 4, 2026

RW Xamsa muxuu ka yiri doorashada maanta ka dhacday Waqooyi Bari?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha cusub ee loo doortay Dowlad Gobolleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Axmed Awcali (Firdhiye), iyo Madaxweyne Ku-xigeenka, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo maanta ku guuleystay doorashadii ka dhacday magaalada Laasacanood.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in doorashadani ay muujinayso biseyl siyaasadeed iyo dadaalka shacabka Waqooyi Bari ay ugu jiraan helitaanka adeeg dowladeed oo dhammeystiran, isaga oo tilmaamay in qabsoomidda doorashadan ay xoojinayso dowladnimada, ayna muhiim u tahay adkeynta midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xusay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay dadaal badan gelisay xoojinta nidaamka dowladnimada iyo horumarinta hannaanka Federaaleynta dalka maantana la gaaray miro-dhalka dadaalladaasi.

Ra’iisul Wasaaraha, oo bogaadiyey kaalinta ay ka qaateen Xildhibaannada iyo shacabka Waqooyi Bari doorashadan dimuqraadiga ah, ayaa u rajeeyay Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka cusub in ay noqdaan hoggaan ka shaqeeya midnimada bulshada, wadajirka, isla markaana ay mudnaanta siiyaan danaha shacabka Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles