Wednesday, June 24, 2026

RW Xamsa oo la kulmay Danjiraha Shiinaha ee Jooga Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Wang Yu, iyaga oo ka wada- hadlay sidii meel looga soo wada jeesan lahaa faragelinta qaawan ee Isra’iil ku soo qaadday madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo difaaca danaha labada dal ee ku dhisan iskaashiga amniga iyo siyaasadda.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Danjiraha la wadaagay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay difaaca danaha Qaranka, ilaalinta midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka, iyo dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada si loo xaqiijiyo amniga iyo nabadda guud ee Soomaaliya.

Danjiraha Dowladda Shiinaha Mudane Wang Yu, ayaa caddeeyay in Dowladdiisa ay si buuxda u taageersan tahay midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayna ka go’an tahay ixtiraamka madax-bannaanida, iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, isaga oo xusay in ay mar walba garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyay Danjiraha, garab istaagga Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha, ee ay kaga falcelisay tallaabadii ay Isra’iil ku faragelisay iyo sidii ay moowqifkeeda uga caddeeyeen kulankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee lagu difaacayay midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles