Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa caawa si kulul u weeraray siyaasiyiinta mucaaradka, isagoo ku eedeeyay inay bulshada ku mashquuliyaan dood madhaleys ah, kibir iyo islaweynaan, halkii ay ka talin lahaayeen danta guud ee dalka.
RW Xamza ayaa ku nuuxnuuxsaday in mucaaradku ka dhigtay siyaasadda mashruuc ay dowlado shisheeye ku biil qaataan, taasoo uu sheegay inay carqalad ku tahay horumarka iyo midnimada ummadda.
Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka ayaa bilihii u dambeeyay xoogeystay, iyadoo labada dhinac si adag uga aragti duwan yihiin arrimaha doorashooyinka dalka iyo dib u eegista dastuurka.
Mucaaradka ayaa ku eedeeya dowladda in ay isku dayayso muddo kororsi iyo ku takrifal awood, halka dowladda ay ku adkeysato in geeddi-socodka dastuurka iyo doorashadu yihiin mid qaran oo aan dib loo dhigi karin.
Xaaladda siyaasadeed ee taagan ayaa sare u qaaday hadallada kulul ee labada dhinac, iyadoo shacabka iyo beesha caalamka ay si dhow ula socdaan marxaladda isbeddelka siyaasadeed ee Soomaaliya.