Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed iyo Saaxiibada Caalamka lagu dilay xubno muhiim ah oo ka tirsan kooxda Khawaarijta Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa ka dhacay Buurta Cadayga oo ku taalla degmada Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu dilay 13 xubnood oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda argagixisada ah. Waxaa sidoo kale jira xubno kale oo kooxda ka tirsan oo lagu dhaawacay intii uu socday howlgalka.
“Goobta la duqeeyay ayaa ahayd meel ay Khawaarijtu ku diyaarinayeen dhagaro ka dhan ah shacabka deegaanka, waxaana howlgalka lagu burburiyay saanad hub ah oo ay halkaasi ku kaydsanayeen.” ayaa lagu yiri qoraalka.



