Thursday, April 30, 2026

Sargaal katirsanaa Al Shabaab oo nolosha lagu qabtay

Ciidamada maamulka Jubbaland howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen deegaan dhaca duleedka magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ayey ku dileen xubno katirsanaa kooxda Al Shabaab , oo la sheegay in dadka deegaanka dhibaato ku hayeen.

Saraakiisha ciidamada Jubbaland , ayaa sheegay in howlgalkan ay ciidamada ku dileen afar xubnood oo katirsanaa Al Shabaab, waxa ayna xuseen howlgalka in uu ka dhacay deegaanka Lafo-gari oo kuyaalla duleedka Dhoobley.

Howlgalka ay fuliyeen ciidamada Jubbland ayaa sidoo kale lagu soo qabtay nin ay sheegeen laamaha amniga Jubbaland in uu ahaa sargaal katirsan Al Shabaab una qaabilsanaa maxkamadda deegaanka Lafo-gari, waxaana sargaalkan magaciisa lagu sheegay Macallin Maxamed.

Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa mararka qaar fuliya howlgalo qorsheysan oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab , kuwaa oo marar badan ciidamada ku dileen xubno katirsanaa Al Shabaab , sidoo kale kusoo qab qabteen kuwa kale oo nool.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo sheegtay in horjooge sare iyo xubno kale lagu dilay G/Sh/Hoose

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaal iyo duqeymo ka...

Janan oo abaabul ciidan ka wada Beledxaawo

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Jubaland,...

Wafdi ka socda Q.M oo gaaray Baydhabo

Hogaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed...

Mucaaradka iyo Xubnaha Beesha Caalamka oo ka sharaya arrimaha doorashooyinka

Kulanka muhiimka ah ee u dhexeeya Golaha Mustaqbalka Soomaaliya...

Pakistan oo cadaadis diblumaasiyadeed saaraysa sii deynta badmaaxayaal lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya

Dowladda Pakistan ayaa xoojisay dadaallada diblumaasiyadeed iyo kuwa badeed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles