Friday, March 21, 2025

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo u Yeertay Hantidhowraha Guud ee Qaranka

Muqdisho  Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa warqad rasmi ah u dirtay Hantidhowraha Guud ee Qaranka, Axmed Ciise Guutaale, kaas oo lagu eedeeyay falal culus oo la xiriira ku tagrifalka awoodda iyo is hortaagga howlaha garsoorka.

Warqadda kasoo baxday maxkamadda ayaa si cad u xustay in Guutaale uu faragelin ku sameeyay madax-bannaanida garsoorka, taasoo keentay in xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka uu si rasmi ah ugu soo jeediyo eedeymo culus oo ka dhan ah mas’uulkan.

Sida ku cad qoraalka maxkamadda, eedaha loo haysto Axmed Ciise Guutaale ayaa isugu jira:

Faragelin toos ah oo ka dhan ah garsoorka dalka – Waxaa lagu eedeeyay inuu si cad ugu xadgudbay madaxbannaanida garsoorka, isagoo faragelin ku sameeyay go’aanno maxkamaddu gaartay.

Is horistaagga kharashaadka maxkamadda – Waxa uu la sheegay inuu hakiyay ama hor istaagay dhaqaalihii loogu talagalay in lagu socodsiiyo howlaha maxkamadaha iyo diiwaangelinta heshiisyada ay maxkamaduhu galeen.

Diidmada go’aannada maxkamadda ee la xiriira dhulka – Waxa uu ka hor yimid go’aamo ay maxkamaddu ka soo saartay muranada la xiriira lahaanshaha dhulka.

Dhammaan eedeymahan ayaa sababay in maxkamaddu amar rasmi ah ku bixiso in Guutaale uu sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo xaadiro Maxkamadda Gobolka Banaadir, si uu uga jawaabo eedaha loo heysto.

Eedeymaha loo jeediyay Hantidhowraha Guud ee Qaranka ayaa ah kuwa xasaasi ah, maadaama uu yahay mas’uul sare oo ka tirsan dowladda. Arrintan ayaa sidoo kale muujinaysa khilaaf xoogan oo ka dhex jira hay’adaha dowladda, gaar ahaan laamaha garsoorka iyo kuwa la dagaallama musuqmaasuqa.

Illaa iyo hadda, Hantidhowraha Guud ee Qaranka Axmed Ciise Guutaale kama uusan hadlin eedeymaha loo soo jeediyay, balse waxaa la filayaa inuu ka hor muuqdo maxkamadda maalmaha soo socda.

WARARKII KALE

MW Xasan Sheekh oo degmada Cadala kula kulmay odayaasha dhaqanka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo habeenkii 2-aad ku...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 21/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW Xamsa” Xukuumadeydu waxay u guuri doontaa jiida hore ee dagaalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

DFS oo soo dhaweysay guusha ay gaareen ciidamada Milatariga Sudan

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhoweysey guusha ay gaareen Ciidamada...

Taliye Sahal oo abaabul dagaal ka wada Gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan...

NISA oo sheegtay in Al-shabaab badan lagu dilay Sabiid iyo Caanoole

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles