Sunday, December 28, 2025

Shiinaha oo ku baaqay in laga fogaado dagaal kale,lana sii ambaqaado heshiiskii Gaza

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha Mr. Wang Yi oo ka qwybgalay shirka G 20 ee Magaalada Johannesburg, Dalka K/Afrika ayaa sheegay in aan loo baahneyn dagaal kale oo ka dhaca Gaza,balse ay waajib tahay in si hufan loo sii ambaqaado heshiiskii xabad joojinta ee ay wadagaareen Israel iyo Hamas.

“Waan aragnay waxa ka dhacaya Gaza iyo Daanta Galbeed,waxaana habboon in wax loo  qabto dadka reer Falasyiin,isla markaana loo daayo maamulkooda” ayuu yiri, sida laga soo xigtay qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha.

Mr. Wang Yi waxa uu ku celceliyay in xal laba dowladood ah uu yahay midka kaliya ee lagu soo afjari karo colaadda gobolka isagoo intaa raaciyay in cadaalad darida ku dhacday Falastiin ay keentay dib u dhac muddo 70 sano ah.

“Shiinuhu waxa uu taageerayaa dhammaan dadaallada nabadda ee lagu soo afjarayo colaadaha dunida sida dagaalka Gaza iyo kan Ukrain”ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Koofur Galbeed oo si adag u diiday Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Maamulka Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed ayaa warsaxaafadeed rasmi ah ka...

Wadamo iyo Ururo ka horyimid aqoonsiga Somaliland ee Israa’iil

Dalal iyo ururro caalami ah ayaa si isku mid...

Rw hore ee Turkiga oo dalab culus u diray Masar, Turkiga iyo Sacuudiga

Sidoo kale wuxuu sheegay in sanadihii 2012-2013 ay dalal...

Aqoonsi Caalami ah sidaa uma fududa:-Calanka Towxiidka Ixtiraama, kuwa Yahuudda u Ordayoow

Waxaan maanta wajahaynaa isku day qaawan oo si toos...

Midowga Afrika oo soo dhaweeyay doorashooyinkii degmooyinka ee ka qabsoomay Muqdisho

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC), Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles