Tuesday, February 24, 2026

Shiinaha oo Maraakiib Dagaal u soo dirtay Gacanka Cadmeed iyo Biyaha Soomaaliya

Dowladda Shiinaha ayaa shaacisay in cutub cusub oo ka tirsan Ciidanka Difaaca Shacabka Shiinaha (PLA Navy) uu u amba baxay Gacanka Cadmeed iyo biyaha ku dhow Soomaaliya, si ay u gutaan howlgal ilaalin ah oo lagu difaacayo maraakiibta ganacsiga iyo marinada muhiimka ah ee caalamiga ah.

Maraakiibtan dagaal, oo sabtidii ka soo shiraacday deked ciidan oo ku taalla bariga Shiinaha, ayaa ka kooban bur-buriyaha gantaalaha hagaya ee Tangshan, doonta dagaal ee Daqing, iyo markabka sahayda ee Taihu, sida uu sheegay afhayeenka Wasaaradda Difaaca Shiinaha, Jiang Bin.

Afhayeenka ayaa sheegay in tani ay tahay cutubka 48aad ee hawlgallada ilaalinta (escort task group) ee Shiinuhu ka fuliyo biyaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed, taasoo bilaabatay tan iyo sanadkii 2008, si looga hortago burcad-badeedda iyo khataraha amni ee ka jira marin-biyoodka muhiimka ah ee gobolka.

“Howlgalladani waa caddeyn muuqata oo muujineysa sida Shiinuhu uga go’an tahay dhismaha bulsho baddeed oo ay wadagaan dhammaan dalalka caalamka, iyo ilaalinta xasilloonida iyo nabadda gobolka,” ayuu yiri Jiang Bin.

Gacanka Cadmeed waa mid ka mid ah marinnada ugu istaraatiijisan adduunka, oo isku xira Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, isla markaana uu maro qayb weyn oo ka mid ah ganacsiga iyo shidaalka caalamka.

Soomaaliya, oo xeebteeda dheer ay ku taallo meel istaraatiiji ah, ayaa ka faa’iideysa joogitaanka ciidankan Shiinaha dhowr dhinac:

Joogitaanka PLA Navy waxay yaraynaysaa khataraha burcad-badeedda iyo falalka budhcad-badeednimo ee weli halis ku ah maraakiibta ganacsiga ee maraysa xeebaha Soomaaliya.

Tallaabadani waxay xoojineysaa xiriirka amni iyo diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyadoo muujineysa in Shiinuhu door firfircoon ku leeyahay badbaadada gobolka.

Nabadgelyada biyaha waxay dhiirrigelisaa ganacsiga, kalluumeysiga iyo maalgashiga dekedaha Soomaaliyeed, taas oo mustaqbalka kor u qaadi karta dhaqaalaha dalka.

Howlgalka cusub ayaa la filayaa inuu billowdo bartamaha bisha October, iyadoo maraakiibta Shiinuhu ay mar kale muujiyeen doorkooda sii kordhaya ee ilaalinta xasiloonida badda ee Bariga Afrika iyo Gacanka Cadmeed.

WARARKII KALE

Maamulka Waqooyi Bari oo fariin adag u diray Puntland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo...

Puntland oo diiday in doorashada Federaalka lagu qabto Sool

Dowlad-goboleedka Puntland ayaa si adag uga soo horjeesatay jadwalka...

Golaha Mustaqbalka iyo Xildhibaanada mucaaradka oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Xalay magaalada Muqdisho waxaa shir ku yeeshay xildhibaano ka...

Diyaarado dagaal oo duqeymo ka fuliyay Maxaas

Diyaarado dagaal ayaa saaka duqaymo xoogan ka fuliyay degmada...

Shiinaha oo hub ka iibiyay Iran

Safaaradda Shiinaha ee Israel ayaa sanadkii hore beenisay warbixinno...

Maxaa ka cusub Xubnaha Guddiga doorashooyinka ee la afduubtay degmada Buula-burde?

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya xubno ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles