Siyaasiyiin mucaarad oo Muqdisho gaaray

Waxaa maanta magaalada Muqdisho gaaray qaar kamid ah siyaasiyiinta ugu waa weyn mucaaradka dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, kuwaa oo u sharaxan kursiga Madaxweynaha Soomaaliya doorashada qabsoomideeda muranka ka taagan yahay.

Garoonka Aadan Cadde waxaa soo gaaray laguna soo dhaweeyay Ra’isul Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Cumar Cabdirashadiid Cali Sharmaarke, kuwaa oo muddooyinkii lasoo dhaafay dalka dibadiisa ku sugnaa.

Xildhibaanno, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay siyaasiyiintan mucaaradka ee maanta Muqdisho yimid, waxaana loo galbiyay guryo ay magaalada ka degi doonaan.

Magaalada Muqdishio ayaa waxaa kusoo qulqulaya siyaasiyiinta mucaaradka ah kana soo horjeeda doorashada qof iyo cod, kuwaa oo caasimadda Muqdisho ka bilaabi doona kulamo siyaasadeed oo looga arrinsan doono xaalada dalka .

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles