Monday, August 10, 2026

Soomaali 600 gaareysa oo sanadkan magangalyo ka dalbanaya Austria

Iyadoo dalalka Yurub ay qaarkood bilaabeen inay dib u celiyaan Soomaalida ayaa markii ugu horeysay muddo 20 sano ah dowladda Austria waxay dalkeeda ka masaafurisay labo nin oo ka soo jeeda Soomaaliya sida ay sheegtay wasaarada arrimaha gudaha dalkaasi. Labada nin ayaa laga dajiyay magaalada Muqdisho iyadoo la sheegay in ay la midoobeen qoysaskooda.

Xafiiska wasiirka arrimaha gudaha ayaa u sheegay wakaalada wararka ee APA in labada nin ay ahaayeen rag Austria dambiyo ka galay oo la xukumay, sidaa darteedna ay tahay in dalkooda dib loogu celiyo.

Sidoo kale waxaa la sheegay in ay ku lug lahaayeen dambiyo la xiriira maandooriyaha.

Soomaali 600 gaareysa ayaa sanadkan dalbaday magangalyo

Soomaalida ayaa la sheegaa in ay soo galeen kaalinta saddexaad dadka magangalyada ka doonaya Austria toddobadii bilood ee ugu horreeyay sanadkan 2025.

Tiro gaareysa 648 qof ayaa u gudbiyay xafiiska magangalyo-doonka dalka codsiyo ay ku doonayaan magangalyo. Heerka aqbalaada sanadkan ayaa la sheegay in ay aheyd 44 boqolkiiba.

Soomaali tiradoodu gaareyso 463 ayaa la siiyay magangalyo. Intaa waxaa dheer in tiro kale oo gaareysa 334 loo ogolaaday in ay dalka joogaan iyadoo loo eegay haddii la celiyo in ay dhibaato la kulmayaan.

Sidoo kale waxaa sharciga deganaashaha bani’aadannimo la siiyay Soomaali kale oo 12 qof ah si ay dalka u sii joogaan.

Soomaaliya waxaa loo arkaa mid ka mid ah dalalka qaaradda Afrika ee tobannaanka sano ay ka jirtay xasilooni darro.

Wasiirka arrimaha gudaha Austria Gerhard Karner iyo dhigiisa Jarmalka Alexander Dobrindt ayaa shalay ka hadlay sidii dad badan looga celin lahaa mustaqbalka Austria iyo Jarmalka loona geyn lahaa dalalkooda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 08 2026.

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Israa’iil oo diidday qorshaha Trump ee 15-ka qodob ka kooban ee Gaza, sida uu sheegay Netanyahu

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa diiday qorshaha 15-ka...

Bogga hoggaamiyaha Iran oo lagu sheegay in ay kulmeen Mojtaba Khamenei iyo Masoud Pezhakian

Bogga internetka ee Hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ayaa sheegay...

Wasiir Fiqi oo la kulmay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan...

Pakistaan oo War ka soo saartay halka ay marayo sii deynta shaqaale lagu haysto Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan ayaa sheegtay in ay socdaan...

Cumaan oo sheegtay in wadahadallada ku saabsan Hormuz ay meel fiican marayaan

Cumaan ayaa sheegtay in wadahadallo wanaagsan ay la yeelanayeen...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles