Tuesday, March 3, 2026

Soomaaliya iyo Ciraaq oo heshiis amni kala saxiixday

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Ciraaq, Mudane Cabdul-Amiir Al-Shamari, ayaa magaalada Baqdaad ku kala saxiixday heshiis iskaashi amni oo u dhexeeya labada dal.

Heshiiskan ay labada Wasiir kala saxiixdeen ayaa ah mid lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada amniga iyo xasilloonida labada dal ee walaalaha ah, isla markaana lagu tayeynayo awoodda hay’adaha amniga.

Wasiirka Amniga XFS Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, ayaa kamid ah wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo dalka Ciraaq uga qeyb galaya shirka Jaamacadda Carabta.

Dowladaha Soomaaliya iyo Ciraaq , ayaa sidaan oo kale u kala saxiixday heshiisyo iskaashi oo dhinacyo badan, waxa ayna Ciraaq kasoo kabatay colaad argagsxiso, Soomaaliyana waxa ay u baahan tahay in ay casharo ka barato.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles