Wednesday, March 4, 2026

Soomaaliya iyo Indonesia oo kala saxiixday heshiis visa-la’aan ah Basaboorada diblomaasiga labada dal

Soomaaliya iyo Indonesia ayaa heshiis visa-la’aan ah ku kala saxiixday baasaboorada diblomaasiga iyo kan shaqaalaha dowladda, kadib kulan rasmi ah oo wasiirrada arrimaha dibadda ee labada dal ku dhex maray magaalada Jakarta.

Kulanka waxaa lagu xoojiyay xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga dhinacyada ganacsiga, waxbarashada, beeraha, caafimaadka, kalluumaysiga, iyo arrimaha badda. Indonesia waxay ballan qaaday taageero farsamo iyo deeqo waxbarasho, iyadoo Soomaaliya lagu dhiirrigeliyay ka qeybgalka barnaamijyada KNB, Darmasiswa iyo TIAS.

Labada dhinac ayaa sidoo kale adkeeyay doorkooda dhexdhexaadnimo iyo wada-shaqeynta ay la leeyihiin Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), iyagoo ku boorrinaya iskaashi dheeraad ah oo ku saleysan qiyamka Islaamka.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles