Wednesday, April 8, 2026

Soomaaliya iyo Kenya oo iska kaashanaya ilaalinta deegaanka

Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Bashiir Maxamed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo oo hawlo shaqo u jooga dalka Kenya, isla markaana uu wehlinayo safiira Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa kulan la qaatay wasiirka wasaaradda deegaanka ee dalka Kenya Aadan Barre Ducaale.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta labada Wasaaradood, wanaajinta xiiriirka labbada dal iyo Ilaalinta deegaanka.

Labada Wasiir ayaa sidoo kale waxa ay isla meel dhigeen Ilaalinta iyo ka hortegidda xaalufinta Dhirta oo muhiimad gooni ah u leh Dadka iyo deegaanka, waxaana ay si wadajir ah u qireen in isbeddelka ku yimid cimilada uu saameyn ku yeeshay bulshada labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle oo isna kulanka ka hadlay ayaa xusay in Labada dowladood ay lagama maarmaantahay inay kala saxiixdaan heshiis is-afgarad ah (MOU) oo ku saabsan horumarinta deegaanka, isla markaana la magacaabo guddiyo farsamo oo arrintaas dardargeliyo.

WARARKII KALE

Trump oo war ka soo saaray heshiiska uu la galay Iran

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay...

Markabka qodista Shidaalka Turkiga oo Jimcaha soo gaaray Muqdisho

Markabka qodista shidaalka ee Turkiga Çağrı Bey ayaa soo...

Xildhibaano ka tirsan BFS oo sharci darro ku tilmaamay Kursiga Wasiir Jaamac

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo ka kala...

Duqeyn lala beegsaday Al-Shabaab oo ka dhacay Mudug

Diyaarado dagaal ayaa xalay saqdii dhexe duqeymo culus ka...

Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Jubbada Hoose

Ciidamada Jubaland iyo kuwa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar...

Soomaaliya oo La Wareegtay Kursiga Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika

Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horreysay taariikhda si rasmi...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles