Saturday, June 14, 2025

Soomaaliya oo 35 kadib ku guulaysatay inay ka baxdo liiska dowladaha lagu leeyahay qaaraanka Golaha Ammaanka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ku sugan dalka Mareykanka lana hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya 35-sano ka dib ku guulaysatay inay ka baxdo liiska dowladaha lagu leeyahay qaaraanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Wasiirka Axmed Macallin FiqFi ayaa tilmaamay in Soomaaliya dadaal dheer ka dib ay ku guuleysatay in laga nadiifiyo lacagihii dalka lagu lahaa. Waxaa uu sheegay in bixinta lacagta oo laga dhiibay sanduuqa Soomaaliya ay iska kaashadeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, taasi dadaal dheeraad ah galiyey.

Waxaa uu intaasi ku daray arintaan ay kaalin ka qaadaneyso Diblomaasidda xooggan ee Dowladda Soomaaliya ku wajahday siyaasaddaha gudaha iyo Dibadda. Sidoo kale, waxaa uu amaanay doorka Dowladda ay qaadatay 3-dii sano ee la soo dhaafay ee ku aadanaa in Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ay ku guuleysteen in dhul baaxdan weyn ay gacanta kaga dhigeen kooxda Khawaarijta, taasi oo sahashay in dalku ku  talaabsado guullo is daba joog ah.

Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa dhanka kale tilmaamay in dowladaha aanan bixin qaraanka aysan wax cod ah ku yeelan doonin fadhiyada goalaha, sida ku cad liiskaan hoose oo ay ku jiraan dowlado badan.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 13/06/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Shan urur siyaasadeed oo War cusub kasoo saaray Gogosha uu fidiyay Xasan Sheekh

Illaa shan Urur Siyaasadeed oo dhowaan iska diiwaan geliyay...

Iran oo Golaha amaanka ee QM ka dalbatay kulan deg deg ah

Iran ayaa codsatay kulan degdeg ah oo ay yeeshaan...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wadahadlay xoojinta amniga

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Mudane Xuseen Macalin, ayaa kulan...

Israa’iil oo weerar ku qaaday Iran

Israa’iil ’il ayaa Waaberigii saaka weerar culus ku qaaday...

Mucaaradka oo ka horyimid go’aanka ay DF ku dhaliishay Beesha Caalamka

Madasha Samatabixinta Sooomaaliyeed oo ku mideysan yihiin madaxdii hore...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles