Thursday, February 26, 2026

Soomaaliya oo ka qeyb galaysa Shir OIC oo ka furmaya Sacuudiga

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa gaaray dalka Sacuudi Carabiya si uu uga qeyb galo shir deg deg ah oo ay isugu imaan doonaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Islaamka (OIC).

Kulanka deg deg ah ee ka furmaya magaalada Jiddah ayaa looga arinsan doonaa xaaladda Falastiin, iyadoo diiradda la saari doono taageerada caalamiga ah ee xal u helidda dhibaatada Falastiin iyo tallaabooyinka deg degga ah ee lagama maarmaanka u ah.

Shacabka Falastiin ayaa wajahaya xaalad aad u adag oo ay ka mid yihiin:

Kacdoon iyo duulaanno joogto ah oo ka yimaada Israel, taasoo keentay dhimasho iyo dhaawac badan.

Qaxoonti badan oo ku sugan xeryaha, gaar ahaan Gaza, halkaas oo nolol xumo, biyo yari iyo adeegyo caafimaad oo liita ay ka jiraan.

Xannibaadyo dhaqaale iyo xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo saameyn ku yeeshay nolol maalmeedka shacabka.

Wasiirka ayaa kulanka ka jeedin doona khudbad uu ku cadeyn doono mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan taageerada shacabkan dhibaataysan iyo in la helo xal waara oo nabad iyo caddaalad ku saleysan.

Shirkan ayaa sidoo kale fursad u noqon doona dalalka xubnaha ka ah OIC inay ka wada hadlaan arrimaha xasaasiga ah ee amniga, xuquuqda aadanaha iyo sida ugu habboon ee ay uga qayb qaadan karaan xallinta xaaladaha sii kordhaya ee ka jira gobolka.

WARARKII KALE

RW Xamsa oo la kulmay hoggaanka ururrada siyaasadda ee ka qeybgalay doorashadii goleyaasha deegaanka ee G/Banaadir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan...

Maxaa looga hadlay shirka Golaha Wasiirrada Jubbaland?

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta guddoomiyay...

Baarlamaanka oo dhameystiray dooda wax ka badelka Dastuurka

Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Madaxweyne Geelle oo Cambaareeyay Saldhigga Israa’iil ee Berbera

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maqaal uu dhawaan...

Israa’iil oo aqbashay in Safiirka ay Somaliland u magacowday dalkeeda

Dowladda Israa’iil ayaa sheegtay inay aqbashay in Dr. Maxamed...

DFS oo bilowday baaris ku aadan gabar laga keenay Laascaanood oo loo dhoofin rabay Liibiya

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles