Dowladda Soomaaliya ayaa tacsi u dirtay dowladda Qadar, kadib shir shalay subax ka dhacay meel u dhow magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar oo ay ku dhinteen saraakiil Qadar kasoo jeeda.
Qoraal lasoo dhigay barta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay ku leedahay Facebook ayaa lagu sheegay in Soomaaliya “ay garab-istaag buuxa u muujineyso dowladda aan walaalaha nahay ee Qadar”.
Saddex ka mid ah shaqaalaha Amiri Diwan ee Qadar, ayaa shilka ku dhintay, sida ay shaacisay safaaradda Qadar ee Masar.
Kuwa dhaawaca ah ayay safaaraddu sheegtay in lagu dabiibayo isbitaalka magaalada.
Kahor warka, ilo dhanka ammaanka ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in gaari siday diblomaasiyiin Qadar ah uu ku rogmaday waddo 50 kilo mitir (31 meyl) u jirta magaalada.
Shilka ayaa imaanaya kadib markii saraakiil ka socda Qadar, Turkiga iyo Masar ay wada-hadallo aan toos ahayn uga qeyb galeen shirka Sharm el-Sheikh goor hore toddobadkan kaas oo horseeday heshiiska xabbad-joojinta Israa’iil iyo Xamaas.