Sucuudiga oo la wareegay hoggaanka Golaha Badda Cas Soomaaliya-na kala hadlay amniga marin-biyoodka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sucuudiga ayaa shaacisay in ay dowladda Soomaaliya kala hadashay dadaallada lagu xaqiijinayo amniga marinnada biyaha caalamiga ah, xorriyadda isu socodka iyo badbaadada maraakiibta mara Badda Cas iyo gacanka ku xeeran.

Sucuudiga ayaa haatan si rasmi ah ula wareegay hoggaanka Golaha Dalalka ku Teedsan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, oo ay xubno ka yihiin Soomaaliya, Masar, Jabuuti, Eritrea, Jordan, Sudan iyo Yemen.

Golahaasi oo la aas-aasay sanadkii 2020 ayaa muddooyinkii dambe la daalaa dhacayay khilaafyo siyaasadeed oo u dhexeeyay Sucuudiga iyo Masar, kuwaas oo la xiriiray xarunta ururka iyo cidda hoggaaminaysa, arrintaas oo hoos u dhigtay waxtarkiisa iyo saameyntiisa gobolka.

Wararka la xiriira dib u firfircoonida golahan ayaa muujinaya in Riyadh ay hadda waddo dadaal ay ku doonayso in ay si buuxda gacanta ugu dhigto ajandaha amniga Badda Cas, xilli gobolka uu wajahayo tartan xooggan oo saameyn iyo istaraatiijiyad badeed ah.

Tallaabadan ayaa sidoo kale loo arkaa mid meesha ka saaraysa saameyntii Imaaraadka Carabta ee marin-biyoodka muhiimka ah, iyadoo Abu Dhabi ay ka muujisay caro ku aaddan jihada cusub ee golaha.

Xiisaddan cusub ee ka dhex muuqata quwadaha Khaliijka ayaa kusoo beegmaysa iyadoo uu sii xoogeysanayo iskaashi kale oo ay qeyb ka tahay Itoobiya, taasoo ka dhigaysa Badda Cas iyo marinadeeda goob uu ka socdo loollan siyaasadeed, amni iyo dhaqaale oo sii ballaaran.

WARARKII KALE

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles