Monday, July 13, 2026

Sucuudiga oo la wareegay hoggaanka Golaha Badda Cas Soomaaliya-na kala hadlay amniga marin-biyoodka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sucuudiga ayaa shaacisay in ay dowladda Soomaaliya kala hadashay dadaallada lagu xaqiijinayo amniga marinnada biyaha caalamiga ah, xorriyadda isu socodka iyo badbaadada maraakiibta mara Badda Cas iyo gacanka ku xeeran.

Sucuudiga ayaa haatan si rasmi ah ula wareegay hoggaanka Golaha Dalalka ku Teedsan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, oo ay xubno ka yihiin Soomaaliya, Masar, Jabuuti, Eritrea, Jordan, Sudan iyo Yemen.

Golahaasi oo la aas-aasay sanadkii 2020 ayaa muddooyinkii dambe la daalaa dhacayay khilaafyo siyaasadeed oo u dhexeeyay Sucuudiga iyo Masar, kuwaas oo la xiriiray xarunta ururka iyo cidda hoggaaminaysa, arrintaas oo hoos u dhigtay waxtarkiisa iyo saameyntiisa gobolka.

Wararka la xiriira dib u firfircoonida golahan ayaa muujinaya in Riyadh ay hadda waddo dadaal ay ku doonayso in ay si buuxda gacanta ugu dhigto ajandaha amniga Badda Cas, xilli gobolka uu wajahayo tartan xooggan oo saameyn iyo istaraatiijiyad badeed ah.

Tallaabadan ayaa sidoo kale loo arkaa mid meesha ka saaraysa saameyntii Imaaraadka Carabta ee marin-biyoodka muhiimka ah, iyadoo Abu Dhabi ay ka muujisay caro ku aaddan jihada cusub ee golaha.

Xiisaddan cusub ee ka dhex muuqata quwadaha Khaliijka ayaa kusoo beegmaysa iyadoo uu sii xoogeysanayo iskaashi kale oo ay qeyb ka tahay Itoobiya, taasoo ka dhigaysa Badda Cas iyo marinadeeda goob uu ka socdo loollan siyaasadeed, amni iyo dhaqaale oo sii ballaaran.

WARARKII KALE

Kenya oo weerar sirdoon ku dishay xubno ka tirsan Al-shabaab,lana Burburiyay Xero qarsoodi oo ku taala Mandheera

Ugu yaraan 11 maleeshiyaad oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa...

MW Xasan Sheekh oo amar ku bixiyay in hoos loo dhigo Calanka Qaranka Kadib Geerida Amiirkii Hore ee Qatar

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa amar ku...

MW Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga Qaybgalo Aaska Amiirkii Hore ee Dalkaas

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan dalka...

Puntland oo qorsheynaysa Furista Suuqyada Boosaaso iyo Ganacsatada oo diidan bixinta Canshuurta Cusub

Xiisadda ka taagan magaalada Boosaaso ayaa weli taagan, iyadoo...

Kulamo Siyaasadeed oo Ka socda Muqdisho Kahor Wadahadalka DF iyo Mucaaradka ee 20-ka July

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in wareegga labaad...

DF oo sheegtay in la dilay horjooge halis ah oo ka tirsanaa Al-Shabaab iyo duqeyn lagu beegsaday

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Ciidanka Xoogga Dalka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles