Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ( Diyaano), ayaa sheegay in maalinta khamiista ah oo ay taarikhdu ku beegan 25 ka Decembar 2025, la xadidi doono guud ahaan dhaqdhaqaaqa magaalada si dadku nabadgalyo ugu codeeyaan doorashooyinka la filayo in ay ka billaawdaan degmooyinka Gobolka Banaadir.
Kulan uu taliyahu isugu yeeray dhammaan saraakiisha hoggaannada, qeybaha iyo fadhiyada gaarka ah ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayuu ku farah in si adag loogu diyaar-garowbo Doorashada dadweyne ee dhaceysa maalinta khamiista oo ku beegan 25ka bishaan December.
Sidoo kale, Saraakiisha nabadgalyada ayuu faray in shacabka loo fududeeyo in si nabad galyo ku codeeyaan.
Afhayeenka Ciidanka Boliska Soomaaliyeed G/lle Cabdifitaax Aadan Xasan oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in taliska Booliska uu ka fikiraayo xaaladaha deg degga ah ee soo wajihi kara Bulshada, waxaanna loo diyaariyay shacab gaadiidka si gaar ah ugu shaqeyn doona.
Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa 25 ka diyaar garoow xoog leh ugu jira sugidda amniga doorashioyinka dadweyne oo dhawr iyo konton sano kadib la filayo in ay ka dhicaan magaalada Muqdisho si ay muwaadiniinta fursad loogu siiyo in ay hoggaankooda doortaan.


