Thursday, June 25, 2026

Taliye ka tirsanaa ciidamada Puntland iyo askar kale oo ku geeriyooday qarax ka dhacay G/Bari

Wararka ka imaanaya Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in saaka uu qarax miino ka dhacay waddada cusub ee isku xirta deegaanada Dhaadaar iyo Boosaaso, kaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa lala beegsaday baabuur miino-baar ah oo ay leeyihiin Ciidamada Puntland, sida ay sheegayaan wararka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxu uu sababay geerida 3 askari iyo dhaawaca 5 kale.

Saddexda askari ee ku geeriyooday qaraxa ayaa kala ah.

Jaamac Maxamed Caduur, Taliyihii Saadka Ururka Dayax ee Ciidamada Puntland, Miina-baarihii ciidanka iyo Darawalkii baabuurka miina-baarka waday.

Sidoo kale, ilaa shan askari oo kale ayaa ku dhaawacmay qaraxa, kuwaas oo la gaarsiiyay goobaha caafimaadka si loogu daweeyo dhaawacyadooda.

Ciidamada Puntland ayaa hadda wada hawlgal baaris iyo xaqiijin amni ah oo ka socda halka uu qaraxu ka dhacay, si loo xaqiijiyo amniga waddada loona baadi-goobo cidda ka dambeysay falkaasi.

Maamulka Puntland ayaa weli ka hadlin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qaraxan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Mareykanka oo shaaciyay inuu ku guuleystay tijaabadda gantaalka casriga ah ee Golden Dome

Maraykanku wuxuu markii ugu horreysay tijaabiyay nidaamka difaaca gantaallada...

Puntland oo Mamnuucday Hubka iyo Ciidamada Aan Ka tirsaneyn Nidaamka Maamulka

Maamulka Puntland ayaa ka digay waxa uu ku tilmaamay...

RW Xamsa oo gaaray Dhuusamareeb

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb...

DFS oo waddo qorshaha doorashooyinka Galmudug iyo Xamse oo ku Wajahan Dhuusamareeb

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay dardar gelinayso...

Bariga Liibiya oo Xayiraad Kusoo Rogay Muwaadiniinta Soomaaliya iyo Saddex Dal oo Kale

Dowladda Bariga Liibiya ayaa ku dhawaaqday inay mamnuucday gelitaanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles