Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Hawlgalka AUSSOM, Danjire Hadji Ibrahima Diene, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Ku Xigeenka Taliyaha Ciidanka Burundi, S/Guud Habimana Jean Paul.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray waajibaadka AUSSOM, xoojinta iskaashiga amni ee u dhexeeya Midowga Afrika iyo Burundi, iyo sare u qaadista dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo kooxda Al-Shabaab, iyada oo si buuxda loo taageerayo dadaallada nabadda iyo xasillinta ee ay hoggaaminayso Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Danjire Hadji Ibrahima Diene ayaa si gaar ah u ammaanay doorka Burundi, isaga oo ku tilmaamay waddan si joogto ah uga go’an nabadda iyo amniga Soomaaliya, isla markaana muujiyay xirfad, geesinimo iyo naf-hurnimo ay ciidamadeedu ku bixiyeen hawlgallada Midowga Afrika.
Dhankiisa, S/Guud Habimana Jean Paul ayaa carrabka ku adkeeyay in Burundi ay sii wadi doonto taageerada ay siiso AUSSOM, islamarkaana ay ka go’an tahay la shaqeynta hay’adaha amniga Soomaaliya si loo xaqiijiyo xasillooni waarta.
Ciidamada Burundi oo ka tirsan Hawlgalka Midowga Afrika (AUSSOM) ayaa si joogto ah u taageera dowladda Soomaaliya dadaallada lagu sugayo amniga, islamarkaana lagu xasilinayo deegaannada laga xoreeyo argagixisada.


